FIFA ayaa go’aan adag ka qaadatay laba ka mida madaxda sare ee Kubadda cagta adduunka oo muddooyinkan danbe kiis lagu oogay, waxaana guddiga Anshaxa ee FIFA ay mudd 8 sano ah ka mamnuuceen inay wax dhaqdhaqaaq shaqo iyo xilal ku saabsan cayaaraha sameeyeen guddoomiyaha xiriirka FIFA Sepp Blatter iyo Madaxaa xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA Michel Platini.
Baaritaan guddigu ku sameeyay labadan ma’suul ayaa lagu helay in Blater uu si sharci darro ah u siiyay Platini lacag dhan 2-milyan oo doollar sannadkii 2011-kii. Sidoo kale, dacwad-oogayaasha xukuumadda Switzerland ayaa iyaguna furay baaritaan ay ku sameynayaan lacagtan la sheegay inay sida laaluush ahaanta ah kusoo gashay labadan mas’uul ee la ganaaxay.
Tallaabada lagu qaaday labada mas’uul ayaa waxay meesha ka saareysaa in uu Micheal Platini bedelo guddoomiyaha FIFA, Sapp Blatter oo mar horeba is casilay. Micheal Platini oo ka mid ahaa musharixiinta ugu cadcad ee bedeli lahaa Blatter ayaa hadda u muuqda inay galaaftay arrintan.
Blater ayaa sheegay inuu rafcaan ka qaadanayo xukunka Guddiga anshaxa FIFA isagoo u dacwoon doona Maxkamadda Isboortiga ee Court of Arbitration for Sport (CAS).
Wadani.com