Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan xukuumadda iyo baarlamaanka ayaa socdaal shaqo ku jooga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, iyagoo wadatashi la yeelanaya Siyaasiyiinta, Waxgaradka, odayaasha-dhaqanka iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan gobolka Hiiraan.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mida: Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Wasiirka Dhalinyarrada iyo cayaaraha, wasiiru dowlaha madaxtooyadda, wasiir ku-xigeenka maaliyadda, wasiir ku-xigeenka caafimaadka, xildhibaanno, taliyaha ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo Muqdisho ku sugnaa.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa la sheegay inay muddi saddex maalmood ah joogi doonaan magaalada Beledweyne, waxaana laga sugayaa inuu xal u helo diidmo ka dhex taagan beelaha degaanka oo ah in Jowhar lagu qabto shirka wadatashiga maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Hoose.
DAAWO SAWIRRO







