Xildhibaan Nabiil Al-Fadli ayaa si lama filaan ah ugu dhex geeriyooday gudaha baarlamaanka dalka Kuweyt kadib markii xanuun degdeg soo wakahay.
Xildhibaanka ayaa waxaa la sheegayaa in uu dhintay kadib markii uu muddo Miyir daboolnaa, dhacdadan waxaa ay dhacday iyadoo ay socoto kulankii caadiga ahaa ee baarlamaanka dalka Kuwait, waxaan la arkayay xildhibaano u soo gurmaday markii uu kursiga ka dhacay.
Xildhibaanka geeriyooday ayaa waxaa uu baarlamaanka la hadlay 5 daqiiqo ka hor geeridiisa isagoo dhaleeceeyay qaar ka mid Xildhibaanada iyo arrimo uu sheegay in wax u dhimayaan qiimaha baarlamaanka.
Dhinaca sare ka daawo daqiiqadii uu geeriyooday xildhibaanka reer Kuweyt.
Wadani.com