Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa si kulul uga hor yimid ololaha ka socda degaano ka mida gobolka Bakool ee la doonayo in Maamul loogu sameeyo qaar ka mid ah degaanada Waqooyiga Gobolka Bakool oo ay wadaan xildhibaano iyo siyaasiyiin.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Koofur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay inay xildhibaanadaasi isku baheysteen qabiil oo aanay wax culeys ah ku heynin maamulkooda.
“Ceelbarde waxaa dega afar beelood xildhibaanada hadlaya waxay ka soo jeedaan hal beel, beelna dowlad noqon meysee waxaan oran lahaa haddii aad dadkaasi wax tareysaan u fura MCH-yo iyo goobo caafimaad…” ayuu yiri Xasan Cabdi Maxamed wuxuuna intaas ku daray in degaandaasi ay ka mid yihiin maamulka Koonfur galbeed oo aanay sinnaba looga saari karin.
Wadani.com