Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaray magaalada Beleweyne ayaa sheegaya in heshiis laga gaaray qorshaha maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe iyadoo dhammaan beelaha gobolka Hiiraan ay aqbaleen qorshihii madaxweyne Xasan Sheekh u tegay magaalada Beledweyne.
Madaxweynaha ayaa saaka soo gabagabeeyay shirar uu si kala gaara ula lahaa beelaha Gobolka Hiiraan, waxaana ugu dambeeyay Beelaha Gaaljecel iyo Xawaadle oo xalay iyo saaka aqbalay qorshaha madaxweynaha.
Qodobada ay ogolaadeen beelaha Gobolka Hiiraan ayaa kala ah:
- In la bilaabo dhismaha maamul u sameynta Gobolada Hiiraan
- In gogosha maamul u sameynta labada gobol ka furanto magaalada Jowhar
- In Caasimada maamulka labada gobol ay noqoto Buuloburte
- In degdeg loo tago Jowhar si shirka loo bilaabo
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goor dhow soo gabagabeynaya shirarkii uu ku lahaa magaalada Beledweyne, waxaana lagu wadaa in kulan guud uu kala hadlo odayaasha beelaha dhaqanka gobolka Hiiraan inta aanu u soo anbabixin magaalada Muqdisho maanta gelinka danbe.
Wadani.com