Saraakiisha Ammaanka dalka Kenya ayaa xaqiijiyay weerar ay sheegatay kooxda Alshabaab oo ka dhacay wadada Hindi-Bodhei ee Lamu halkaasoo uu ku dhintay sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska kadib markii miino jidka loogu saasay ay ku qaraxday shalay.
Afhayeenka Al-shabaab Dhanka Howlgaladda Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay Idaacadda Afka Shabaab ku hadasha Ee Al-andulus ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Shabaab ay Weerar ku qaadeen Gudaha Wadanka Kenya.
Abuu Muscab ayaa Tilmaamay in Weeraro iskugu jira Qaraxyo iyo Mid dhabo gal ah lagu qaaday Ciidamo Kenyan ah Degaanka Witu oo hoostaga Jaziiradda Lamu. Sidoo kale Afhayeen Abuu Muscab ayaa Tilmaamay in Weerarkaasi ay ku dilen Sargaal Sarre oo ka tirsan Booliska Kenya islamarkaana Qarax lagu Gubay Gaari ay leeyihiin Ciidamada Kenya.
Booliska Kenya ayaa sheegay inay ka hortageen weerar kooxo hubeysan ay ku qaadeen gaari bas yar ah oo ay saarnaayeen 5 ruux kaasoo ka yimid Mombasa kuna socday Lamu, rasaas ay is weydaarsadeen dabley iyo ciidamada Kenya ayay sheegeen in weerarkaasi ay fashiliyeen.
Wadani.com