Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo hadda ku sugan dalka Itoobiya ayaa codsi saddexaad hor geeyay Barlamaanka Jubba kaasoo ah inay u kordhiyaan xilliga u kusoo magacaabayo Galihiisa Wasiirada oo muddo 5 bilood ah laga sugayay, markastana uu waqti ku darsanayay.
Codsiga Axmed Madoobe ayaa maanta laga akhriyay Barlamaanka Jubba iyadoo uu akhriyay Bashiir Maxamed Bahaale oo ka tirsan Baarlamanaka Jubba, waxaana codsiga madaxweynaha kamid ahaa in Xildhibaanadu ay siiyaan waqti kale oo dhan saddex bilood (90 casho) inuu ku soo magacaabi doono wasiirada cusub.
Waxaa la filayaa sidii caadada ahayd inay baarlamaanka Jubba ogolaado codsiga Axmed Madoobe, waxayna tani noqon doontaa rikoor cusub oo ay dhigeen Baarlamaanka Jubba oo markii horeba la sheegay inuu Axmed Madoobe qortay, iyagoo ogolaanaya inay xukuumad goboleed la’aan iska ahaadaan muddo 8 bilood ah.
Waxaa hore Axmed Madoobe laba jeer loogu kordhiyay mudada magacaabidda Golaha wasiirada, isagoo ku guuldarreystay inuu xilligii Dastuurka lagu doortay dhigayay oo ahayd bil gudaheed ku soo dhiso xukuumad goboleed.
Wadani.com