Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»15-KA MAY 1990: Maalintii Talladu seegtay Madaxweyne Siyaad Barre (Qormo muhiim ah)

    15-KA MAY 1990: Maalintii Talladu seegtay Madaxweyne Siyaad Barre (Qormo muhiim ah)

    May 15, 2020Updated:May 15, 20207 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email
    W/Q. Maxamed Sheekh Cali (Doodishe)

    Waa bartamihii bishii May 1990 iyo Kulliyaddii Qaanuunka ee Jaamacadda Ummadda, jawiga subaxaasi waa uu ka duwan yahay kii maalmihii iyo bilihii la soo dhaafay, dareen ayaa jira, ardaydu labo-labo iyo saddex-saddex ayay si hoose ugu faqayaan, dhawr arday oo aanu fasalka wada dhiganaynay ayaa eheladoodii xabsiga loo dhaadhiciyay, waa Ruqiya, Nadiifo iyo Cismaan. Xilligii rawaxaadda ayaa la gaaray, waxaan u soo dhaqaaqay dhankii xaafadda markii aan sii dhaafayay dhismihii Kulliyaddii Xanaanada Xoolaha ayaa waxaa ii dhawaaqay saaxiibkey Sahal oo halkaa wax ka baranayay wuxuuna si hoose iigu yiri: Adeer waa la xiray! Sahal adeerkiis waxa uu kamid ahaa madaxdii Jaamacadda Ummadda.

    Qarsoodi ma ahayn waxa kulmiyay xariga afartaa oday ( Ruqiya saygeeda, Nadiifa Aabaheed, Cismaan walaalkii iyo Sahal Adeerkii) iyo rag kale oo magac iyo maamuus ku lahaa dalka oo dhamaantood dharaartaa xabsiga loo dhaadhicyay, waxaase jirtay in maalimhii xabsigooda ka horeeyay la hadal hayay in xukuumaddii uu ra’iisalwasaaraha ka ahaa Maxamed Xawaadle Madar oo dhawr bilood uun jirtay markaa, wasiirradeeduna u badnaayeen dhalinyaro aqoonayhanno ah, inay wadahadal la geli doonto odayaal isu xilqaantay inay talo wax ku ool ah oo dadka iyo dalkaba lagu badbaadinayo u jeediyaan Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

    Eedda loo haystay odayaasha oo tiradoodu 100 kor u dhaaftay, isuguna jiray siyaasiyiin, danjirayaal, saraakiil, aqoonyahano, culimo, ganacsato, cuqaal iyo garyaqaanno ay kamid ahaayeen Madaxweyne Aadan Cadde, Guddoomiye Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen, Xaaji Muuse Boqor, Ismaaciil Jimcaale Cosoble, Cali Shido Cabdi, Jeneraal Maxamed Abshir Muuse, Maxamed Siciid Ciiyoow “Gentleman”, Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi, Xaaji Maxamed Cabdulle Furre, Xasan Dhimbil Warsame, Professor Ibraahim Maxamuud Abyan, Cali Mahdi Maxamed, Xaaji Baynax Barre, Xuseen Xaaji Bood, Maxamed Faarax Siyaad, Cabdicasiis Nuur Xirsi, Cali Maxamed Oosbito, Axmed Daahir Sheel, Maxamed Cali Xaashi, Sheekha Muuddeey, Xaaji Maxamed Cawaale Liibaan, Cismaan Axmed Rooble, Maxamuud Xaaji Cabdullahi Qore… waxa ay aheyd in ay qoraal ka kooban 6 bog oo ay uga hadlayaan xaaladda adag ee uu dalku marayay maalinkaa iyo sida ay tahay in lagu badbaadin karo ay u direen Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre (Eeg lifaaqa 2-aad)

    How Siad Barre's strategy pushed him out of power | Somaliland Monitor

    Qoraalku waxa uu si kooban u soo bandhigay xaaladda amniga, tan siyaasadda iyo midda dhaqaalaha ee dalku ku sugnaa, waxa uuna soo jeediyay talooyin sahlan oo suurogal ka dhigaya in wax laga qabto mashaakilkii dalku waajahayay, kuwaa oo maalinba maalinta ka dambaysa sii cuslaanayay. Waxa uu qoraalku dul-istaagay 5 qodob oo saldhig u ahaa culaysyadii jiray kuwaa oo u dhignaa sidatan:

    1. Dagaal Sokeeye
    2. Nabadgelyo La’aan
    3. Xadgudubka Xuquuqda Muwaadinka
    4. Maamul Xumo Dowladeed
    5. Burbur Dhaqaale

    Qoraalku waxa uu tibaaxay in hannaanka keliya ee xal waara lagu gaari karo uu yahay in la helo “Isbaddal Taam ah oo Xukuumadeed” iyo in dib loogu laabto nidaamkii dimuqraadiga ahaa ee dalka ka hirgalay markii uu xorriyadiisii qaatay 1960. Waxa kale oo uu qoraalku xusay si loo fududeeyo hirgelinta isbeddel micno sameeya in loo baahan yahay baab’inta “sharciyada xuquul insaanka iyo xorriyaadka kaleba cabburinaya iyo hay’adaha ujeedadaas darteed loo dhisay, sida:

    – Sharciga 10 Jan. 1070, Lr. 01 Awoodda Xarigga
    -Sharciga 10 Jan. 1970. Lr. 03 Dhismaha Maxkamadda Badbaadada
    -Sharciga 15 Feb. 1970. Lr. 14 Dhismaha Hey´adda NSS
    -Sharciga 10 Sept. 1970. Lr. 54 Ilaalinta nabadsugidda Qaranka
    -Sharciga 10 Okt. 1970. Lr. 64 Baabi’inta Habeas Corpus
    Sharciga 10 Nov. 1970. Lr. 67 Difaaca Bulshada
    Sharciga 05 Abr. 1972. Lr. 38 Awoodda GSK ee Arrimaha
    Garsoorka

    Sidoo kalana in Xeerka Ciqaabta iyo Xeerka Habka Ciqaabta dib loogu celiyo sidii ay ahaayeen intii aanu millatarigu la wareegin hoggaanka dalka “si shacbiga loogu soo celiyo xorriyaadkiisii oo dhameys tiran oo ay markaas suuragal ugu noqoto inuu kulmi karo, tashan karo, dhisan karo ururro siyaasadeed iyo kuwo bulshadeed”. Waxayna soo jeediyeen in la dhiso guddi ka kooban 13 xubnood oo qabanqaabiya shirweyne ay ugu yeereen “ Shirweynaha Suluxa iyo Bad-baadada Ummadda”, waxayna soo jeediyeen in guddigu ka koobnaado xubnaha soo soda (Eeg lifaaqa koowaaad)

    1. Xaaji Aaden Cabdulle Cusmaan – Madaxweyne Hore
    2. Sheekh Mukhtaar Maxamad Xusseen – Madaxweyne iyo guddoomiye Baarlamaan hore
    3. Xaaji Muuse Boqor – Wasiir hore
    4. Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble – Wasiir hore
    5. Dr. Maxamad Raajis Ahmad – Mudane Baarlamaan hore
    6. Maxamad Abshir Muuse – Taliye ciidanka biliiska hore
    7. Dr. Maxamuud Sheekh Axmad – Guddoomiye Maxkamad Sare hore
    8. Suldaan Duulane Rafle Guuleed – Odey dhaqameed Soomaaliyeed
    9. Cali Shido Cabdi – Guddoomiye ku-xigeyn SYL iyo Safiir hore
    10. Garaad Cabdulqani Garaad Jaamac – Odey Soomaaliyeed
    11. Xaaji Jirde Xusseen Ducaale – Ganacsade
    12. Sheekh Ibraahim Suuley – Caalim Diinta Islaamka
    13. Sheekh Shariif Sharafow – Caalim Diinta Islaamka

    Qoraalkan iyo talooyinka uu xambaarsan yahayba waxa ay ahaayeen fursad qaali ah oo uu Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ku furdaamin karay mawjadihii siyaasaddeed ee sida talantaaliga ah marba dhinac ugaga imanayay tan iyo markii uu ka badbaaday afgambigii fashilmay ee Gugii 1978, iyadoo 12-kii sannadood ee xigay uu si joogto ah ula kulmayay turunturooyin siyaasaddeed oo aanu si xikmadaysan u maaraynin, kuwaa oo ugu dambayntii dhaliyay dhibaatooyinka ay odayaasha talada siiyay ku tibaaxeen qoraalkooda.

    Halkii uu Madaxweynuhu ka eegi lahaa nuxurka qoraalka, fiirinna lahaa mustaqbalka dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo uu muddo ku filan hoggaanka u hayay, ma uusan yeelin ee waxa uu dib u jalleecay shalay iyo Oktoobar 1969, maalinkii uu xilka kala wareegay Xisbigii SYL oo qolyaha hormuudka u ah qoraalka talooyinka xambaarsan ay yihiin madaxdii hoggaanka u haysay Xisbiga iyo Xukuumaddii uu talada kala wareegay. Sida muuqata Madaxweynuhu waxa uu is weydiiyay sidee ayay qolyihii aad shalay dalka ka badbaadisay ugu fekeri karaan maanta inay adiga dalka kaa badbaadiyaan?! Su’aashaasu waxa ay aheyd mid maangal ah, waxa aanse maangal ahayn falceliskii uu qaaday oo isugu jiray inuu taladii diiday iyo in odayaashii talada u soo jeediyay uu xabsiga u taxaabay.

    Waxay aheyd haddii uusan qolyahan ku kalsoonayn in uu talada qaato oo baadigoobo dad kale oo ku habboon furdaaminta dhibaatooyinkii dalka ka aloosnaa, haseyeeshee ma dhicin taasu, oo Madaxweyne Siyaad iyo saaxiibadiisii ay talowadaagga ahaayeen waxa ay go’aansadeen inaan loo joojin, odayaashanna xabsiga loo taxaabo, si aanay mar dambe ugu fikirin in ay tallaabo noocan oo kale ah qaadaan, saxiixayaasha qaarkood eheladooda ayaa loo sheegay inay ceshadaan oo ku qasbaan inay beeniyaan in ay qoraalka wax ka ogaayeen!.

    Odayaasha badankoodu ma ahayn kuwa xabsigu ku cusub yahay, ee iyaga iyo xabsigu waxa ay ahaayeen wehel iyo wedaay, sanado badan oo noloshooda kamid ahna halkaa ayay ku soo qaateen. Waxayna ahaayeen dad ( da’ ahaan) horay u batay, cabsi gooyay, arkayayna qarankii ay xorriyadiisa muruq, maskax iyo maalba geliyeen oo gebi ka sii dhacaya. Welwelka ugu weyn ee haystay waxa uu ahaa madax-adaygga Madaxweyne Siyaad iyo qar iska- tuurnimada jabhadihii hubaysnaa. Waxaa u caddayd haddii aan la helin gogol lagu wadahadlo iyo is-beddel siyaasaddeed oo ku yimaada qaab nabadeed oo dimuqraadi ah in dalka iyo dowladnimaduba burburi doonaan.

    Madaxweyne Maxamed Siyaad fursaddii qaaliga ahayd waa lumiyay, awood uu odayaashii xabsiga ugu sii hayana waa waayay, taasoo hoos u dhigtay haybaddii hoggaankiisii iyo tii hay’adihii dowladdii uu hogaaminyay, arrinkaasuna waxa uu dhiirigaliyay jabahadihii hubaysnaa oo markii horaba aaminsanaa in Madaxweyne Siyaad waddada keliya ee lagula xaajoon karo ay tahay gumaca rasaasta oo la isku liso!, iyada oo aan dan loo gelin natiijada ka dhalan karta wadaxaajoodka noocaas ah.

    Waxaa xusid mudan in dabayaaqadii sanadkii 1990, xilli ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen, uu Madaxweyne Siyaad oggolaaday wadahadal uu la yeesho mucaaradkii uu in badan ka meermeeray, waxayse ahayd mar ay jabahadihii hubaysnaa ay dalka intiisii badnayd ku baaheen ayna kulaalayaan caasimadda oo ay maalmo kadib soo galeen, iyaga oo ay 26 maalmood keliya ku qaadatay in ay Madaxweynihii caasimadda dibadda uga saaraan, qarankiina uu halkaa ku burburo.

    Qoraalka ay odayaashu soo saareen oo ay ugu magac dareen “Bayaankii Koowaad ee Muqdisho” waa mid taariikhi ah, ka sokow inuu maalintaa ay soo saareen ee 15-ka May 1990 uu xambaarsanaa talooyin wax ku ool ah oo lagu furdaamin karay xaaladdii dalka ka jirtay, maanta oo uu qoraalkaasi 30 sano jirsaday, waxa uu weli leeyahay qiimihii uu maalinkaa lahaa, waa haddii la helo cid dhegaheedu iyo indhaheedu laabta u furan yihiin.

    Bayaanka-Koowaad-ee-MuqdishoHalkan ka furo
    Liiska-Odayaasha-Bayaanka-soo-SaaraySoo Dejiso

    W/Q: Maxamed Sheekh Cali (Doodishe)
    Email: [email protected]

    Bayaankii Muqdisho ee Manifesto Saxiixayaashii Bayaankii Manifisto Siyaad Barre Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAlshabaab oo War kasoo saartay Wareysi la sheegay in lala yeeshay Afhayeenkooda
    Next Article Wasaaradda Caafimaadka oo Daah furtay Adeegga xogta Coronavirus ee WhatsApp

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo