Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Somaliland oo go’aanno adag kasoo saartay xiriirka socdaalka ee ay la leedahay Koonfurta Soomaaliya & Sharciyo kale

    Somaliland oo go’aanno adag kasoo saartay xiriirka socdaalka ee ay la leedahay Koonfurta Soomaaliya & Sharciyo kale

    December 28, 20155 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shir ay yeesheen Golaha Wasiiradda ee Somaliland, ayaa Go’aammo ka soo saaray Ajanabiga Dalka joogay iyo isku socodka Somaliland iyo dalalka kale ee xaga isku socodka.

    Go’aamaddan ayaa ku qotomo Adkaynta amniga iyo nabadglayadda, waxaanu qoraalkaasi madaxtooyada kasoo baxay u qornaa sidan “Shir ay yeesheen golaha wasiirrada JSL oo uu shir-guddominayay Madaxwaynaha, lana qabtay24/12/2015, kana dhacay hoolka shirarka ee Madaxtooyada, ujeedadiisuna ahayd adkaynta nabadgalyada iyo amniga qaranka, gaar ahaan ilaalinta xuduudaha dalka (Cir, Bad iyo Berriba) iyo khataraha ka imaan kara isku socodka, ayaa waxa lagaga dooday qodobada hoos ku xusan:

    1. Arrimaha Isu-socodka Jam. Somaliland iyo Soomaaliya,
      2. Adkaynta Xuduudaha ay Somaliland la leedahay dalalka deriska ah,
      3. Ka hortagga Tahriibayaasha dhexmara Jam. Somaliland,
      4. Dadka Ajaanibka ah ee sida sharci-darrada ah ku jooga Somaliland,

    Haddaba, Golaha Wasiirradu markii ay si miisaaman oo qoto dheer uga doodeen ugana baaraan dageen arrimaha Isu-socodka dalalka deriska ah, isla markaana ay si qoto dheer ugu kuur galeen xaaladda haatan taagan ee la xidhiidha Dadka Ajaanibka ah ee Dalka Sharci-darrada ku jooga iyo Qul-qulka Tahriibayaasha iyo dadka wax tahriibiya, waxay go’aamiyeen qodoban hoos ku xusan.

    GO’AAMADA GOLAHA WASIIRRADA;

    1. Dadka u dhashay Dalka Soomaaliya ee u kala Safraya labada dal:

    Dadka u dhashay Dalka Soomaaliya waxaa laga rabaa:

    (A) In ay haystaan aqoonsi buuxa (passport) si ay uga soo deggaan    garoomada dalka Jam. Somaliland ama uga soo galaan xuduudaha kale.

    (B) Qofkii ka dhoofaya garoomada Somaliland ee aan haysan passport waa in uu ka soo qaato xafiiska socdaalka “Somaliland Immigration Office” warqadda  socdaalka ee ku laabashada dalkiisa “Go Home Paper”  ka hor inta aanu goosan ticket-ka duulista uu ku laabanayo.

    (C) Dadka reer Soomaaliya, si loogu fududeeyo looguna dhiirigeliyo inay sticmaalaan Passport-ka dalkooda (Soomaaliya), qiimaha gelidda dalka “Entry Fee” waxa laga dhigay $15 (Shan iyo toban Doollar) Qofkiiba.

    1. Muwaadiniinta Jam. Soomaliland ee u kala Safraya labada dal:

    Muwaadiniinta Jam. Soomaliland ee u socdaalaya Dalka Soomaliya “Marka laga reebo inta aan xeerararka JSL u oggolayn” waxa looga baahan yahay in ay haystaan:

    (A)  Passport-ka Dalka Jam. Somaliland, hadii kale Ticket looma goyn doono ama
    (B)  Warqada aqoonsiga jinsiyadda muwaadinka Jam. Somaliland (ID),

    Muwaadinka u dhashay Jam. Somaliland ee ku soo noqonaya dalka waxaa looga baahan yahay:

    (A)   In uu haysto/in ay haysato Passport Jam. Somaliland ama
    (B)   Warqada aqoonsiga jinsiyadda muwaadinka Jam. Somaliland (ID) ama
    (C)   In uu keeno/ in ay keento qof dammiin ah oo isaga/iyada garanaya in uu yahay /in ay tahay muwaadin u dhashay Jam. Somaliland ah, isla markaana uu soo buuxiyo/ ay soo buuxiso Warqadda Macluumaadka Shaqsiga oo ay bixin doonaan Shirkadaha Diyaaraduhu.

    1. Arrinta dadka ajnabiga ah ee sharci-darrada ku jooga dalka iyo Tahriibayaasha:
    2. Waxa reeban in qof ajaanib ahi uu dalka iska soo galo bilaa Fiise (Cir, Bad iyo Berri)’ fiisaha dalka lagu soo galayo waxa laga bixin doonaa marinka ugu horeeya ee uu qofku Jam. Somaliland kasoo galayo, iyadoo si degan loo hubinayo. Sidoo kale, Fiisaha dalka lagu soo galayo waxa uu qofku kasoo qaadan karaa dalka uu ka imanayo isagoo maraya Xafiiska Somaliland uga furan dalkaas.
    3. Waxa reeban in dadka shisheeyaha ah ee aan isir ahaan u dhalan JSL ay sharci-darro ku joogaan dalka. Laga bilaabo 01.01.2016 ruux kasta oo sharci-darro ku jooga JSL waa in uu kaga baxo 30 cisho gudahood, ama waa in uu muddadaa gudaheeda ku qaato Warqadda Oggolaanshaha Degganaanshaha Dalka. Muddadaa kaddib, Hay’adaha Ammaanka ee ay arrintani khusayso waxa ku waajib ah inay qofka ka saaraan Dalka Jam. Somaliland.
    4. Laga bilaabo 01.01.2016-ka, go’aamada ka soo baxay Xukuumaddu waxay si rasmi ah u mamnuucayaan in Goobaha Ganacsiga sida Hoteellada la seexdo, Xawaaladaha, Guryaha la kireeyo, Macraddada Baabuurta, iwm ay qofka u adeegaan ilaa ay si buuxda u hubiyaan sugnaanshihiisa oo ay waydiiyaan aqoonsi “ID card” isla markaana ay nuqul ka reebaan aqoonsigiisa.
    5. Laga bilaabo 01.01.2016-ka, go’aamada ka soo baxay Xukuumaddu waxay si rasmi ah u Mamnuucayaa in Shirkadaha Telefoonnada iyo Is-gaadhsiintu ay iibiyaan Sim-kaarrada teleefoonka aqoonsi la’aan. Cid kasta oo loo furayo khadka telefoonka waa in la diwaan-geliyo, koobi aqoonsigooda ahna laga reebo.
    6. Xukuumadda JSL waxay shacbka Somaliland-ka ah ku adkaynaysaa inay feejignaadaan kana shaqeeyaan sugitaanka amniga iyo xasiloonida dalkooda. Sidoo kale, Xukuumaddu waxay shacb-weynaha ku wargelinaysaa inay u hoggaansamaan go’aannada cusub ayna si buuxda ula shaqeeyaan Hay’adaha Qaranka ee amniga ku hawlan.
    7. Waxa reeban in qof ajnabi ahi wax shaqo ah ka qabto Jamhuuriyadda Somaliland ruqsad la’aan. Cid kastoo aan u dhalan dalka, waxaa waajib ku ah inay qaadato warqada ruqsadda Shaqada. Laga bilaabo 01.01.2016-ka, qof kasta oo Ajaanib ah oo ka shaqeeya Dalka (nooc kasta oo ay tahayba) waa inuu muddo ku siman 30 maalmood ku qaato warqadda ruqsadda shaqada “Work Permit”. Muddadaas kaddib, hay’adaha amniga ee ay arrintaani khuseyso waxa ku waajib ah inay qofka ka joojiyaan shaqada uu hayo, haddii aanu lahayn sharcina ay Dalka ka saaraan.
    8. Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Laanta Socdaalka) iyo Hay’adaha kale ee ay Arrintaani khusayso waa in ay kormeer joogto ah ku sameeyaan meel marinta iyo fulinta go’aamadan saamaynta ku leh arrimaha nabadgelyada dalka.
    9. Iyadoo laga duulayo xaaladaha ammaan ee mandaqada Geeska Afrika, dhinaca kalena mudnaanta la siinayo nolosha iyo daryeelka muwaadiniinta JSL, Xukuumadda JSL waxay si cad ugu digeysaa Tahriibayaasha dalkeeda dhex mara. Ciidamada iyo Hay’adaha kale ee ammaanka waxa la farayaa in ay ka qaadaan tallaabada ku habboon.

    Wadani.com

    Siilaanyo Somaliland
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKDF kill two in Mandera town after they defy order to stop
    Next Article Shariif Xasan oo qarka u saaran inuu qaadaco ka qeybgalka shirka Madasha ee magaalada Kismaayo

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo