War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu dab ka kacay Hotel caan ah oo ku yaala magaalada Dubai, hotelkaas oo u dhow dhismaha ugu dheer dunida ee Khalifa ayaa lagu magacaabaa CINWAAN (Address).
Dabka ayaa la arkayay magaalada oo dhan, waxaan uu saacado kooban kasoo hor dhacay dabaaldeg balaaran oo magaalada laga qorsheeyay iyadoo dhismaha ugu dheer ee Khalifa tower lagu diyaariyay baaruud iyo waxyaabaha qarxa oo lagu waday in lagu dabaaldego si hawada magaalada Dubai oo dhan looga dhigo meel ifaysa.
Wakaalada wararka Reuter ayaa soo werisay in dabkaasi oo lama filaan ahaa lala tacaalayo.
Wadani.com