Boqortooyada Sacudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday inay daldashay 47 qof oo argagixiso ah sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha gudaha dalkaasi oo laga sii daayay Telefishanka dowladda.
Dadka la daldalay waxaa ka mida sheekha Shiicada Sacuudiga ka tirsanaa ee Nimir Al-Nimir iuo Faris AlZahraani oo ka tirsanaa Alqaacida.
War saxaafadeed laga akhriyay TV-ga Sacuudiga ayaa lagu baahiyay liiska 47 ruux ee la dilay oo dhammaantood ku eedeysaa falal argagixiso.
Sheekha Shiicada ah ee Nimir waxa uu hogaamiyay banaanbaxyo looga horjeedo Boqortooyada Sacuudiga, waxaana dil ku xukumay maxkamadda sare oo qirtay xukun hore loogu riday sanadkii hore.
Liiska dadka Sacuudigu daldalay waxaa ka mida dad u dhashay dalalka Masar iyo Chad oo min qof ah, waxaana lagu eedeeyay inay ka qeyb qaateen weeraro lagu qaaday xarumo ay leedahay dowladda Sacuudiga.
DAAWO RAGGA LA TOOGTAY MUUQALADOODA
Wadani.com