Wararka laga helayo degaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM lala beegsaday Qarax Miino oo wadada loo geliyay xilli ay marayeen degaankasi.
Qaraxa miinada oo ahayd nooca la hago ayaa haleeshay kolonyada AMISOM oo la sheegay in ay ku siijeedeen Degaanka Leego oo fariisin weyn ay ku leeyihiin. Dadka degaanka ayaa sidoo kale sheegay in qaraxa miinada kadib uu dagaal fool ka fool ah dhex maray Ciidamada AMISOM iyo maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab, dagaalkaas oo muddo kooban socday.
Weli lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxa iyo iska hor imaadka, waxaana la sheegay in ciidamada AMISOM ay ku faafeen degaankaasi iyagoo baadi goobaya maleeshiyada soo weerartay.
Wadani.com