Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya inuu isaga haro qaabka 4.5 ee loo awood qeybsiga isagoo ku dooday in qaabkaasi aanu shaqeyn karin oo laga soo gudbay.
Faroole ayaa ka hadlay dadka ku dhegan 4.5 wuxuuna carabka ku dhiftay Faarax C/qaadir, isagoo yiri: “Haddii Faarax C/qaadir shidadu ka socoto, Beledweyne iyo Hiiraan hala geeyo” wuxuu kaloo C/raxmaan Faroole ka hadlay beesha shanaad oo uu sheegay inay degaano badan dalka ka degan tahay oo ay ka soo geli karaan.
Wuxuu kaloo madaxweynihii hore ee Puntland ka rajeeyay dowladda Federaalka inay Boosaaso ay noqoto meesha lagu aasay 4.5 oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ka dego Xamar isagoo qaba in 4.5 la soo dhaafay.
Wadani.com