Shirkii Madasha Wadatashiga ee la filayay inuu 10-ka Bishan January ka furmo magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubadda Hoose ayaa la sheegay inuu dhowr maalmood dib u dhac ku yimid kadib markii maamulada dalka qaarkood ay codsadeen arrintaasi.
Wararka helayo madaxda wadatashiga ayaa sheegaya in Axmed Madoobe oo dadaal ka waday sidii shirkaasi u qabsoomi lahaa ayaa socdaal ku joogay magaalada Cadaado, isagoo ka baaqsaday magaalada Boosaaso oo laga sugayay.
Ma jiro cid shirkaasi u tagtay magaalada Kismaayo, marka laga reebo wafdi ka socda Gobolka Nugaal ee Puntland. Shirka ayaa hadda la sheegay inuu furmi doono 12 ama 14-ka bishan Janaayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli ku sugan Boosaaso isagoo wadahadallo la leh madaxda Puntland, waxaana dadaal loogu jiraa in heshiis hordhac ah meel dhexe la isugu yimaado ka hor shirka Kismaayo.
Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la filayaa inuu tago magaalada Muqdisho si wadahadallo dheeraad ah ula yeesho madaxda sare ee dowladda federaalka.
Wadani.com