Kulan uu soo qabanqaabiyay Ra’iisal wasaaraha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa maanta garoonka diyaaaradaha ee Muqdisho ku dhex maray madaxweynayaasha Jubba iyo Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Axmed Madoobe oo khilaafkoodu ka sii daray maalmihii ugu danbeeyay.
Arrint ka dhaxeysa maamulada Jubba iyo K/Galbeed ayaa ka dhalatay xulista baarlamaanka Jubba, kadibna u sii gudubtau Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo beelaha Ogaadeen ka hor yimaadeen, waxaana ka sii dartay xalaada markii maamulka laga dhisay gobolka Bakool oo maamulka Jubba ay taageertay.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa ku goodiyay inuusan tagayn Kismaayo oo lagu qabanayo shirka looga hadlayo doorashada Soomaaliya. Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu hadda aqbalay tegista Kismaayo iyadoo labada dhinac ka wadahadli doonaan wixii khilaaf ah ee u dhaxeeya.
Wadani.com