Laba qof ayaa ku dhaawacmay qarax Gaari ay saarnaayeen loogu xiray oo saaka ka dhacay degmada Shibis, iyadoo Qaraxani imaanayo kadib markii NISA ay sheegtay inay burburisay shabakadihii qaraxyada ee Muqdisho.
Qaraxa ayaa lala beegsaday Gaari kuwa Raaxada ah oo uu watay nin ka shaqeeya garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana la saarnaa qof kale. Qaraxa ayaa saameyn ku yeeshay agagaarka Masjidka Rowda ee wadada nasiib buundo oo uu ka dhacay, waxaana gubtay ganacsi halkaasi ku yaalay.
Ciidamada oo halkaas gaaray ayaa baaritaan ka sameeyay, waxaana labada qof ee dhaawaca soo gaaray loo qaaday Goobaha Caafimaad Ee Magaalada Muqdisho.
Hay;ada nabadsugidda ayaa dhowaan sheegtay in la burburiyay kooxihii Alshabaab ee qaraxyada ku xira baabuurta, waxaase muuqata inay qaraxyadii sii socdaan.
Wadani.com