Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Abwaan Cali Sugule oo ku geeriyooday Imaaraadka Carabta: Xusuusta taariikhdiisa

    Abwaan Cali Sugule oo ku geeriyooday Imaaraadka Carabta: Xusuusta taariikhdiisa

    January 11, 20162 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Mid ka mida abwaanada ugu waaweynaa Soomaalida ayaa maanta ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta oo muddooyinkii dambe uu ku xanuunsanaa. Allaha u naxatiistee Abwaan Cali Sugule Cigaal wuxuu ka mid ahaa tiirarkii suugaanta Soomaalida, waxaana uu qeyb  ku lahaa halgankii xoriyadda Soomaalida.

    TAARIIKHDA KOOBAN EE ABWAANKA

    Abwaan Cali Sugulle Cigaal “Dun carbeed” waa xidaar u soo taagnaa waayihii ka la geddisnaa ee nolosha Soomaalida, xornimodoonkii, midowgii, xukuumadihii iyo wakhtigan burburka.

    Waxa uu ku caan ahaa aftahammada hadal helista, waa na sababta halabuurkiisu uga dhex ifayo suugaanta Soomaaliyeed. Bal eeg halhaysyadan bulshadu isu dhiibdhiibto:

    “Dab iyo dhagax, layskuma dhuftee, ka la dhowra”

    “Nin lagu seexdow ha seexan”

    “Af qalaad aqoontu miyaa?”

    “Waa’ baa beryay, bilicsan; arooryo baxsan, maalin boqran!”

    “Waa loo tartamayaa, maxaad taqaan”

    “Ma hadhin hadal lays yidhaahdaa”

    Iyo qaar kale oo badan.

    Maansadiisu waxa ay mar walba sii oddorostaa barta ummadda iyo hoggaankuba ay cagta dhigi doonaan, iyada oo ka dab qaadanaysa sida markaa tallaabada loo gurgurayo. Bal aynnu farshaxankiisa ka daawanno hal mid oo muujinaya sida 1962-kii durtaba ay u garnaqsanayeen labadii midoobay, oo aynnu ka dhex aragno muuqaalka xilligan ee labada ka la lusha.

    “Heestan waxa ay isku ruwaayad ku jiraan ta kale ee tidhaahda ‘Nin lagu seexdoow’ waa 1962-kii markii Xasan-Kayd inqilaabka sameeyey, aniga oo ruwaayaddaa wada ayuu dhacay. Heestaa ‘Hiddiiddiiyooy’ waa garnaqsi waxaana wada hadlaya laba hablood oo jilayey dadka iyo dalka Soomaalilaan iyo laba wiil oo Soomaaliya metelayay,” ayuu yidhi Cali Sugulle “Dun Carbeed”.

    Heestan waxa ku luuqeeya Hoballada Waaberi, waxaanay odhanaysaa:

    Hablaha:

    Hir bay laacoo hinqaday

    Hillaac bay baxoo handamay

    Haddana waayoo hakaday

    Halyeey waayoo hakaday

    Haween baan ahoo hamrraday

    Hiil iyo midna hoo ma karo.

    Wiilasha:

    Hurdada aawadaa ma ledo

    Hummaaggaagi bay hor kacay

    Hawshaada ma soo hadh galo

    Hawshaan ku la qaybsadaa

    O’ harraadkaan ku la qabaa

    O’ anigu waan ku la hayaa

    E’ adaan i hagaajinayn.

    Hablaha:

    Adduunyo hal baan lahaa

    O’ hashii horor baa la tegay

    Haaneedkaa loo hayaa

    O’ hadhuub madhan baan sitaa

    Wiilasha:

    Haween ma dhammaa la yidhi

    Hablow anigaydin hanan

    E’ hubaal hal ma siisannaa?

    Sakariye Saxardiid Axmed (Awaare)

    Abwaan Cali Sugule
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Lionel Messi oo markii shanaad ku guuleystay abaal marinta Ballons d’Or ee sanadka 2015
    Next Article Cumar C/rashiid oo Guddoomiyaha Baarlamaanka ku qanciyay ka qeybgalka shirka Kismaayo

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo