Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox maleeshiyo ah iyo dadweyne la socda ay saaka galeen isla markaana bililiqeysteen Xaruntii Hay’adda Khumeyni ee magaalada Muqdisho oo ku taalla inta u dhaxeysa Isbitaalka Banaadir iyo Daarta Sey biyaano.
Xaruntan ayaa la sheegay inay bililiqo iyo boob baahsan uu ka dhacay, kadib markii dowladda Soomaaliya ay xiriirka u jartay dalka Iiraan, isla markaana lagu amray inay kala diraan shaqaalahooda qalabkoodana meeleeystaan.
Maleeshiyo markii horeba ilaalo u ahayd xarunta iyo dadweyne la socda ayaa saaka ku qamaamay xarunta iyagoo awood adeegsaday, isla markaana ay halkaas bililiqo ka bilaabeen xarunta.
Ciidamada dowladda ayaa markii danbe halkaasi tegay iyadoo gacanta ku dhigay qaar ka mida dadkii bililiqada ku lug lahaa iyo nin la sheegay inuu u dhashay dalka Iiraan. waxaana hadda xarunta ku sugan ciidamada nabad sugidda.
Wadani.com