Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»DEGDEG: Weerarkii Burkinafaso oo lasoo afjaray & Hotel kale oo la weeraray

    DEGDEG: Weerarkii Burkinafaso oo lasoo afjaray & Hotel kale oo la weeraray

    January 16, 2016Updated:January 16, 20162 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Weerarkii ay kooxda Alqaacida ee Waqooyiga Afrika ku qaaday xalay Hotel caan ah oo ku yaala magaalada Ouagadougou ee caasimadda dalka Burkina Faso ayaa lagu dhawaaqay in goor dhow lasoo afjaray, kadib in ka badan 15 saacadood oo dagaal socday.

    Hotelka oo ahaa mid ay degan yihiin dad reer galbeed ah iyo shaqaalaha UN-ka ayaa qasaaraha dhimashada waxay ka badan tahay 20 ruux, waxaana dagaalka lagu xoreeyay hotelka  Splendid ka qeyb qaatay ciidamada Faransiis ah.

    Warar kale oo hadda soo dhacay ayaa sheegay in Hotel kale oo u dhow weerar kale lagu qaaday..


     

    SIDEE U DHACAY WEERRKII HOTELKA

    Abaare 7:30-kii fiidnimo  ee xalay waqtiga maxaliga ay laba baabuur ku qarxeen banaanka hore ee hoteel Splendid. Kaddibna saddex ilaa afar nin oo afka duubtay ayaa weerrartay hoteel Splendid, kaasi oo ay degaan shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo reer galbeedka, goobjoogayaasha ayaa sidaa sheegay.

    Robert Sangare, oo ah agaasime isbitaal ku yaal magaalada ayaa sheegay in ugu yaraan 20 qof ay halkaasi ku dhinteen 15 kalana ay ku dhaawacmeen. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in 1-dii saqdii dhexe kaddib uu bilowday howlgal lagu sii daynayo dadka afduubka loo haysto hoteelka. Waxaa sidoo kale lagu soo warramay in qeyb ka mid ah hoteelka uu dab qabsaday.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda, Alpha Barry, ayaa xilli hore sheegay in uusan meesha ka saareyn in ciidammada Faransiiska ay howlgalka ka qeyb qaataan. Koox la socota dhaqdhaqaaqa kooxaha jihaadiyiinta ayaa sheegtay in al-Qaacidada Maqrib ay weerrarka ka dambeyso. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ragga hubeysan ay bilowgiiba galeen meel kaboshiinka lagu cabo oo u dhaw hoteelka.

    Shaqaale ka howlgalayay goobtaasi laga cabo qaxwada ayaa wakaaladda AFP u sheegay in dhowr qof halkaa lagu dilay. Hoteelka ayaa waxa uu ku yaal meel u dhaw gagida diyaaraha caalamiga ah ee magaaladaasi. Burkina Faso ayaa dhawaan waxaa ka dhacay doorashooyinkii madaxtinimo ee ugu horreeyay tan iyo afgambigii bilowgii sanadkii hore.

    Afgambigaasi ayaa waxaa talada looga tuuray hogaamiyihii talada mudada dheer hayay ee Blaise Compaore, kaasi oo dalkaasi xukumaayay 27 sano.

     

    Wakaalado

     

    Burkinafaso Ouagadougou Weerar Hotel
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddoomiye Jawaari oo ku dhacay shirqool siyaasadeed loogu maleegay Magaalada Kismaayo (Sawirro)
    Next Article DEGDEG: Agaasimeyaashii Radio Muqdisho & Telefishanka Qaranka Soomaaliya oo xilalkii laga qaaday

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo