Wakiilka Arimaha IGAD ee dalka Somaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey ayaa si cad u sheegay in Madxda Dowladda Somaliya aysan sameyn karin muddo kororsi.
Afeey wuxuu sheegay arintaasi inay go’aan cad ay ka gaartay Beesha caalamka, islamarkaana aysan jirin wax muddo kororsi ah oo loo sameynaayo Hay’adaha Dowladda Federalka Somaliya ee hada shaqeeya.
“Arintaasi wax ku darista go’aan waxaa ka gaaray Beesha caalamka Muddo hada sanad laga joogo ayaa laga gaaray waxaa ka gaaray Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay,
Wax IGAD ay gaartay ma’ahan wax aniga Shaqsi ahaan Maxamed aan gaaray ma’ahan waxaa qaraarka uu ahaa go’aankana uu ahaa Beesha caalamka iyo shacabka Somaliyed lama soo dhaweyn doono in Hay’adaha hada dhisan waqti loogu daro, si ay ugu darsan karaana iima muuqato.
Wadani.com