Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ee halkaasi ku shirsan ay weli kas oo bixin wax go’aan ah marka laga reebo in la isla afgartay in qaab xeer jajab ah.
Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa la isla qaatay in lagu qeybiyo qaab degaan, waxaase weli la isku hayaa in maamul goboleed loo qeybsado xubnaha iyo in 18 gobol lagu saleeyo. Waxaa kaloo la isla qaatay in aqalka sare ee Baarlamaanka qaabka 4.5 lagu xulo.
Waxaa hadda socda dadaalkii ugu danbeeyay oo madaxda Soomaalida ku doonayaan inay xal uga gaaraan qaabka xulitaanka aqalka sare oo muran badan ka taagan yahay.
Lama oga xiliga uu qaadan doono xalinta qodobka la isku hayo oo C/kariin Guuleed uu diidan yahay in gobol wax lagu qeybiyo, wuxuuna ku doodayaa in qaab maamul goboleed lagu qeybiyo taasoo ku cad dastuurka KMG ah.
Wadani.com