Ururka Alshabaab ayaa shaaciyay wareysiyo ay ka qaadeen qaar ka mida askar Kenyaati ah oo ay sheegeen in lagu qabtay weerarkii aroornimada Jimcaha lagu qaaday saldhigii AMISOM ee Ceelcade Gobolka Gedo.
Alshabaab waxay labada askari ee ay baahiyeen ku kala sheegeen magacyadooda:
- Lawrence Rinui Kamau, waa 30 sana jir wuxuu dhashay qabiilka Kikuuyada Kenya, wuxuuna kasoo jeeda gobolka Kiambu county ee bartamaha wadanka Kenya.
- Aaysak Belawe, waa askari 50 sano jir ah oo lagu soo qabtay dagaalkii Ceel-cadde, wuxuuna ka dhashay qabiilka la yiraahdo Luhya ee uu ka soo jeedo Musas Watangula.
Dowladda Kenya ayaa ka gaabsatay inay sheego wax war ah oo ku saabsan tirada askarta uga dhimatay weerarkii Ceelcade, waxaana weli socda warar la is dhex marayo oo ku saabsan in dagaal weyn ay qaadi doonaan ciidamada Kenya.
Wadani.com