Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Gedo Jen. Cabaas Gurey ayaa kashifay xog ku saabsan weerarkii Jimcihii kooxda Alshabaab ku qaaday xerada ciidamada Kenya ee Degaanka Ceelcade, Gobolka Gedo isagoo sheegay inay weerarkaasi ka war heleen oo ay xogtiisa la wadaageen taliyeyaasha ciidamada Kenya.
Jen. Cabaas Gure ayaa sheegay inay helaan weerarka Alshabaab qorsheysay ee ku soo fool leh Ceelcade, isla markaana xogtaasi ay u gudbiyeen ciidamada Kenya iyo taliyeyaashooda.
“Cid waliba waa ka war heysay weerarka Alshabaab, saacado ka hor inta aanu dhicin ayaan ogeyn, waana loo diyaar garoobay” ayuu yiri taliyaha ciidamada Milateriga Soomaaliya ee Gobolka Gedo.
Arrintan ayaa weji gabax iyo ceeb ku noqoneysa ciidamada Kenya oo xeradaasi ay saldhig u ahayd in ku dhow 500 askari, waxayna muujineysa inaanu kedis ahayn weerarka qasaaraha badan dhaliyay ee Alshabaab ku qaadeen xerada AMISOM ee Ceelcade, balse laga awood badiyay ciidamada Kenya oo heystay hub casri ah.
Wadani.com