Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya ayaa sheegtay in howlgal balaaran cir iyo dhul ah ay ka bilowday deegaanno ka tirsan gobolka Gedo, iyadoo la sheegay in howgalkaasi uu yahay aargudasho iyo baadi goob la sheegay inay ku raadinayaan askartii looga qabsaday dagaalkii Ceelcade.
Dadkii deganaa Ceelcade ayaa isaga qaxay, waxaana Alshabaab ay ka baxday degaankaasi iyagoo isu qeybiyay Saakow, Bu’aale iyo degaano kale, waxayna dadka degaanka sheegeen in ciidamo badan oo Kenyaati ah lagu aasay Ceelcade.
Alshabab ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay askar Kenyaati oo maxaabiis ahaan ay u qabsadeen oo qaarkood ay shaaciyeen magacyadooda.
Wadani.com