Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Jubaland»Dowladda Soomaaliya oo War-murtiyeed kasoo saartay Shirkii Kismaayo

    Dowladda Soomaaliya oo War-murtiyeed kasoo saartay Shirkii Kismaayo

    January 18, 20162 Mins Read Jubaland
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Warmurtiyeed ay dowlada Soomaaliya ka soo saartay shirkii Madasha Qaran ee Kismaayo ka dhacay ayaa lagu sheegay in kulankaasi wax badan oo isu soo dhowaansho lagu gaaray, iyado arrimaha farsamo ee harsan looga hadli doono shir ay dowlada Federaalka marti gelin doonto oo aan la shaacin halka iyo goobta lagu qabanayo.

    WAR-MURTIYEED


     

    Kulanka hoggaamiyayaasha Madasha Wadatashiga Qaran oo ay ka soo qaybgaleen:

    Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,

    Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamad Sh. Cusmaan Jawaari,

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke,

    Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,

    Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam,

    Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan,

    Madaxweynaha Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed,

    iyo wasiirro ka tirsan Xukuumadda Fedaraalka ah iyo Xildhibaano Baarlamaanka Federaalka ka tirsan, wasiiro iyo xildhibaano ka socda dowlad goboleedyada iyo guddiyada hawlwadeenada iyo farsamada.

    Kulankan oo lagu qabtay magaalada Kismaayo, 10-14 Janaayo 2016, waxaa uu daba socdey baaqii Muqdisho ee 16 Diseember 2015 ka soo baxay kulankii madasha wadatashiga Qaranka ee labaad.

    Madaxda Qaranka iyo kuwa dowlad gobolleedyadu waxay dadaal dheer u galeen ka mira dhalinta wadaxaajoodka Kismaayo, ee xulashada qaab doorasho oo la dhaqan gelin karo 2016-ka, iyo qorshaha meelmarinta hab doorasho. Waxaay si qoto dheer uga wada hadleen sidii ay isugu waafaqi lahaayeen qaab doorasho oo wadar ogol ah, kaa soo waafaqsan Baaqii Muqdisho.

    Haddaba madaxdu iyagoo ogsoon xilliga lagu jiro iyo sida shacabka Soomaaliyeed uga dhursugayaan natiijada shirkaan ayaa waxey ku faraxsan yihiin tallaaboyinka wax ku ool ka ah ee la qaadey iyo jawigii wanaagsanaa ee wadahadaladu ku qabsoomeen.

    Guud ahaan wax badan ayay madaxdu isla meel dhigeen, waxyaabaha xaga farsamada la xiriira ee harsana waxaa lagu dhamayn doonaa kulanka ay martigelin doonto dowlada Fedaraalka Soomaaliya oo dhowaan la qaban doono.

    Dhamaan Madaxda kala duwan iyo ergada madashu waxay si gaar ah oo aan la soo koobi karin ugu mahad celinayaan dowlad goboleedka Jubbaland iyo shacabka ee sida wanaagsan ee gobanimada leh u martigeliyey ergooyinkii madasha.

    DHAMMAAD


     

    Wadani.com

    Shirka Kismaayo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXildhibaan shaaciyay in maamulada Puntland & Jubba ay aqbaleen 4.5
    Next Article Wasiirada iyo xildhibaanada kasoo jeeda Hiiraan & Shabeelaha Dhexe oo isugu tegay Jowhar

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo