Beesha Baadicade ayaa shaacisay inay ka baxday shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiran iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo dhaliishay qaabkii ay Wasaarada Arrimaha gudaha u qeybisay Odayaasha xulaya ergooyinka shirka.
Beesha Baadi Cadde oo ka mid ah beelaha dega Gobolka Hiiraan ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ka sheegtay inay ka horjeedo qaabka loo qeybiyay Odayaasha shirka Jowhar, waxayna cadaalad darro ku tilmaantay wasiirka arrimaha gudaha tirada uu beeshaasi ka siiyay odayaasha.
Odayaasha, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beesha Baaldi Cadde waxay sheegeen inaysan ogolaan karin sida wax u socdaan, waxayna baaq adag u direen Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ay ka dalbadeen inuu soo farageliyo khaladaadka wasiir Odowaa.
Wadani.com