Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasoo ay uga qeyb galayaan munaasabad lagu sagaatinay ciidamo jabuutiyaan ah oo howshooda dhameystay, lagna soo dhoweynayno ciidamo cusub oo isa jabuuti ka socda.
Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha waxaa ku wehliya Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Amniga, Wasiirka Batroolka iyo Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya. Sidoo kale waxaa magaalada Beledweyne ka degay Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti Xasan Dharaar Hufane iyo saraakiil milateri oo Jabuutiyaan ah.
Munaasabad lagu kala bedelayo Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa ka socota magaalada Beledweyn, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay, lana xiray dhammaan wadooyinka magaalada. Waxaa hore loo shaaciyay inuu madaxweynaha Jabuuti imaanayo Beledweyne.
Wadani.com