Gudoomiyaha degaanka Ceelcade ee gobolka Gedo oo ahayd halkii ay taallay xeradii ciidamada Kenya ee kooxda Alshabaab weerarka culus ku qaaday ayaa sheegay in dadka degaankaasi ay taageero siiteen ciidamadii Kenya ee xerada ka firxsaday.
Guddoomiye Cabdi Cali Qoorleex wuxuu sheegay in ciidamada Kenya markii weerarku qabsaday ay ka baxsadeen xerada oo qaarkood ay howdka galeen iyadoo markii danbe dadka degaanka ay qariyeen, kadiban ay kuwareejiyeen taliyeyaasha ciidamada Kenya.
Dadka degaanka ayaa ku eedeeyay ciidamada Kenya inay duqeyn aan loo meel dayin ku qaadeen degaanada ku wareegsan Ceelcade oo ay ku laayeen xoolo, kuna dhaawaceen dad rayid ah, taasoo keentay canbaareyn ka timaada saraakiisha dowladda ee gobolka Gedo xildhibaano ka soo jeeda degaankaasi.
Wadani.com