Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Hay;adda Nabadsugidda ay ku dhawaaqday inay gacanta ku dhigtay ninkii hogaaminayay weerarkii caawa lagu qaaday xeebta Liido baar iyo hotel ku yaala.
War kooban oo NISA ay soo dhigtay barteeda ayay ku sheegtay in madaxii hogaaminayay weerarka Liido inay nolol ku qabteen. Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa iska sheegay in nolol lagu qabtay hogaamiyihii Alshabaab ee weerarka caawa.
Waa markii ugu horeysay ee dabley Alshabaab ah oo weerar soo qaaday la qabto isagoo nool, welina lama shaacin magaciisa.
NISA have cuptured a live the head of UGUS operation tonight, we are cleaning the remaining, More civiliance were saved #Mogadishu, #Liido
— NISA (@HSNQ_NISA) January 21, 2016
Wadani.com