Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayay ku qaaday in ka badan 18 saacadood inuu war ka soo saaro weerarka Alshabaab ku qaadeen xalay xeebta liido ee lagu dilay dad badan oo Soomaaliyeed, laguna dhaawacay qaar kale.
Madaxweynaha ayaa intii weerarku socday ku sugnaa xarunta Madaxtooyada oo ay ka socotay xaflad lagu xusayo 43 guurada qorista iyo hirgelin Afsoomaaliga, waxaana la yaab lahayd inay xafladu u socotay si caadi ah iyadoo rasaastu ka dhaceyso meel u muuqata madaxweynaha.
Ma ahayn wax looga bartay madaxweyne Xasan Sheekh inuu iska dhega tiro xaalado degdeg ah oo la mida weerarkii dhimashada badan dhaliyay ee Alshabaab ku qaadeen baar iyo hotel ku yaala Xeebta Liido, wuxuuna ugu horeyn jiray mas’uuliyiinta hadaladda ka soo saara ama goobta tagta.
Xafladii xalay ee Madaxtooyada waxay u dhacday sidii loogu talogalay, waxaana kaliya oo la joojiyay miyuusigii ka socday, inkastoo khudbadihii sidoodii u socdeen ayna goobta fadhiyeen dhowr wasiir oo qaarkood shaqadooda ahayd arrimaha ammaanka.
Khudbadii madaxweynaha ee xaflada wuxuu kaliya ku sheegay in Alshabaab ay sii tabar dareeyaan iagoo wixii Liido ka socday ka xusay Alshabaab waxay marmar ku kacaan weeraro naf la caari ah sida “Midka caawa la sheegayo oo kale ah”, waxaa xitaa ku adkaatay inuu taci u diro dadkii masaakiinta ahaa ee Alshabaab ku laayeen dhinaciisa taasoo ahayd waxa kaliya ee madaxda dalka awoodaan.
Madaxweynaha iyo kooxdiisa u qaabilsan warfaafinta waxay ku qaadatay muddo 18 saacadood ka badan inay ka hadlaan wixii ka dhacay Liido, taasoo ceeb iyo yaxyax ku ah mas’uulka ugu sareeya ciidamada dalka iyo hogaankii dalka.
Taas bedelkeed waxaa Muqdisho ku sugnaa ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, kana soo laabtay magaalada Beledweyne wuxuu barta rasmiga ah ee twitter soo dhigay cambaareyn falkii Liido isagoo tacsi u diray dadkii wax ku noqday, waxaase kasii horeeyay oo tacsi iyo cambaareyn soo diray wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay Micheal Keating.
Marka laga soo tago naf hurnimadii ciidamada dalka, siiba hay’adda nabadsugidda, waxaa la oran karaa madaxweynuhu wuxuu gebay wixii ugu yaraa ee ahayd cambaareyn, halka madaxda dunida qaarkeed wixii ka dhacay Liido dhacdooyin aad uga yar ay socdaalo ay ku jireen u soo gaabiyaan, xaalad degdega ah galaan ama ay xilal ku waayaan mas’uuliyiin qaarkeed.
ARAG QORAALKII UGU HOREEYAY EE MADAXWEYNAHA MAANTA DUHURKII SOO BAXAY
Madaxweynaha: "Weerarka waxashnimada ee #Liido waxaa geystey argagixiso naf la caari ah" pic.twitter.com/wKY2Jo5KoE
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) January 22, 2016
HOOS KA FIIRSO WARKII RA’IISAL WASAARAHA KA SOO BAXAY XALAY
I unreservedly condemn the barbaric attack @ Liido. My thoughts and prayers are with the victims #Somalia
— OPM Somalia 🇸🇴 (@SomaliPM) January 21, 2016
ARAG WARKII WAKIILKA Q/MIDOOBAY KASOO BAXAY XALAY
https://twitter.com/SRSGKeating/status/690223944377434113
Faalla Wadani.com