Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka dhoogay magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda dalka Jordan oo la sheegay inuu uga qeyb geli doono shir goboleed looga hadlayo arrimaha Amniga.
Shirkan oo ah kii labaad ayaa ka dhacaya magaalada Aqaba ee dalka Jordan, wuxuuna hore madaxweynuhu uga qeyb galay sanadkii hore, waxaana shirka ka qeyb galaya dalal Afrikaan ah iyo kuwa ka tirsan Bariga dhexe.
Afhayeenka madaxweynaha Daa’uud Aweys ayaa sheegay in shirkan ay Soomaaliya ku soo bandhigi doonto qaabka loola dagaalami karo argagixisada iyo sidii looga taageeri lahaa dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo laga sugayay inuu qabanqaabiyo shirkii Madasha oo Golaha ammaanka ka sugayo inay madaxda Soomaalida go’aan ka gaaraan qaabka doorashada inta ka horeysa 28-ka bishan.
Wadani.com