Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa xaqiijiyay in ku-xigeenkiisa uu ka mid ahaa dadkii dilay weerarka Xeebta Liido ee kooxda Al Shabaab ku qaadeen Baarka Liido Sea Food iyo Hotelka Beach View habeenkii Khamiista.
Xeer Ilaaliyaha ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Maxamuud Cabdi Magan oo meydkiisii laga helay mid ka dhismaha Baarka kadib weerarka.
“Waxaan tacsi u dirayaa Ku Xigeenkeyga Xeer ilaaliyaha Guud Qaranka Maxamuud Cabdi Magan, oo runtii ka mid noqday dadkii ku shahiiday goobtaas.” Ayuu yiri Axmed Cali Daahir.
Dadka ku dhintay weerarka ayaa marba marka ka danbeysa sii kordhaya, waxaana tirada dhimashada ay ka badan tahay iminka 30 ruux.
Wadani.com