Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdiyo ay hogaaminayaan madaxda maamulad dalka ayaa ku soo fool leh magaalada Muqdisho, iyagoo ka qeyb galaya shirka Madasha Qaran ee arrimaha Hiigsiga cusub oo looga hadlayo qaabka doorashada dalka.
Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa la filayaa inuu uga soo hor maro madaxda kale isagoo shirar la tashi ah la yeelan doono madaxda dowladda Federaalka.
Beesha Caalamka ayaa Madaxda Soomaalida u qabatay in ka hor 28-ka Bishaan ay Go’aan ka gaaraan qaabka doorashada dalka.
Wadani.com