Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shalay gaaray degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa dadaal ugu jira inuu waanwaan la galo maamulka looga dhawaaqay Ceelbarde ee ku kacsan K/galbeed.
Shirar ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa maamulka la baxay Bakool sare ayaa Xudur uga socda xildhibaano ka soo jeeda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed oo muddo bil ku dhow ay halkaas ka wadeen dadaal lagu doonayo in xal loogu helo arrinta Bakool sare.
Degaanada Yeed, Aato iyo degmada Ceelbarde ayaa hore u sheegay inay ka go’een maamulka Koonfur Galbeed, waxaana madaxweyne loo magacaabay Axmed Nuur Shiikh Maxamed.
Goobjoog.com