Dowladda Kenya ayaa la sheegay in dowladda Kenya ciidamo fara badan oo aanay AMISOM ka warqabin ay ku soo daabushay Dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo iyadoo wada howlgal aargudasho ah oo ay uga jawaabeyso weerarkii Ceelcade ee ciidamada badan loogu laayay.
Duqeyn joogto ah oo ciidamada Cirka Kenya ka wadaan Soomaaliya ayaa qasaare dad rayid ah iyo xoolo ka geystay gobolka Gedo. Waxaan ciidamada Kenya ee ku soo qulqulaya Soomaaliya welwel ka muujiyay saraakiisha dowladda Federaalka ee Gobolka Gedo.
Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa caadiyan Soomaaliya ka dhigtay goob ay si sharci darro ah ciidamo fara badan u soo geliyaan iyagoo aan ka mid ahayn, kana war qabin ciidamada iyo taliska AMISOM oo ay magacooda uga howlgalaan Soomaaliya.
Ciidamada aan caadiga ahayn ee dowladda Kenya soo gelisay dowladda waxaa xaqiijiyay xaqiijiyay Taliyaha ciidamada Militery-ga Kenya General Samson Mwathethe. Wuxuuna sheegay in ay u socdaan askartaasi burburinta saldhigyada ay Xarakada Al-shabab gobolka iyo degaanada ku dhow dhow ay ku leeyihiin.
Wadani.com