Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Jubaland»Dowladda Kenya oo eedeyn la yaab leh u soo jeediyay Beesha Mareexaan kadib weerarkii Ceelcade

    Dowladda Kenya oo eedeyn la yaab leh u soo jeediyay Beesha Mareexaan kadib weerarkii Ceelcade

    January 25, 20162 Mins Read Jubaland
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddi ay dowladda Kenya u magacawday inay soo baaraan weerarkii Alshabab ku qaaday  15-kii Janaayo 2016 ciidamada Kenya ku sugnaa xerada Ceel-caede ee Gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay beesha Mareexaan inay gacan ka geysatay weerarkaasi oo kooxda Al-shabaaab u sahashay inay gaadmo ku laayaan askartooda.

    Sida uu qoray Wargeyska the Standard ee kasoo baxa Kenya,  baaritaannka oo ahaa hordhac ay sameeyeen guddiga ayaa lagu ogaaday in Saddex ka mid ah Askarta Kenya oo ka baxsatay weerarka oo gurigiisa uu ku qariyay nink deegaanka u dhashay, kuwaasoo mar dambe la dilay kaddib markii sida wargeysku xusay ay dadka deegaanku ku wargeliyeen Al-shabaab joogitaanka askartaas.

    “Beesha Mareexaan waxay u arkaan ciidanka Kenya inay yihiin kuwo taageeraya beesha Ogaadeen ee maamulka  Jubba hogaankiisa heysata qabiilo kale oo uu loolan kala dhaxeeyo, waana mid ka mid ah waxyaabaha keenay inay ciidanka la dilo..” ayuu yiri mid ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda Kenya oo codsaday inaan magaciisa la shaacin oo la hadlay wargeyska The Standard.

    Sidoo kale, wargeyska ayaa sheegay in kooxda weerarkaas baareysa ay maalintii Khamiista ahayd ay gaareen saldhigga ciidamada lagu weeraray; isla markaana la filayo inay warbixin ku saabsan qaabka weerarku u dhacay u gudbiyaan abaanduulaha ciidamada KDF Samsom Mwathethe.

    Saldhigga Ciidamada Kenya ay ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ayaa ahaa Saldhiggii Saddexaad ee ay Al-shabaab la Wareegaan muddo toddoba bilood ah; isla markaana ay ku laayaan tiro ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ka Hawlgala Soomaaliya [AMISOM].

    Kenya ayaa u muuqata inay faraha la gashay arrimaha beelaha Soomaaliyeed isku hayaan, taasoo saldhig ay u ahayd markii ay taageereen kooxda Raaskaambooni.

    Goobgooge.com/the Standard

     

    CeelCade Kenya Mareexaan
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKDF should leave Somalia as soon as possible
    Next Article Abwaan Cabdi Shire Cayaar Jecel oo maanta loo dhaariyay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo