Qormooyinkeenii hore waxaan ku soo qaadanay dowladda Soomaaliya oo dacwad ku soo oogtay wasiirkii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta Maxamed Aaden Ibraahim oo lagu soo eedeeyay inuu la wareegay kuna ganacsado hanti qaran oo ah Domain-ka Soomaalida ee .SO anagoo soo qaadanay qoraal kasoo baxay wasiirka Boostada iyo isgaarsinta iyo heshiiskii lagu bixiyay Domainka Soomaalida ee .SO iyo cidda saxiixday.
Qormadan oo ah qeybta saddexaad waxaan ku eegi doonaa wasiirka hore la baxsaday hantida Qaranka iyo qaabka uu gu shaqeysto.
Wasiir Maxamed Aadan Ibraahim waxaa arrintan oo dhan u suurageliyay inuu markii hore la taliyaha wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta xiligii KMG ah, isagoo sidaa ku helay xogta shirkadda la siiyay maamulka .SO kadibna markii loo magacaabay wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta xiligii Ra’iisal wasaare Shirdoon wuxuu gebi ahaanba la wareegay heshiisyadii wasaaradda, waana meeshaas markii sameystay kooxo iyo shirkado isaga u adeega.
Wasiirka hore wuxuu adaagga domain-ka Soomaalida bixiya ku xiray shirkad uu sameystay oo bartooda internetka ay tahay sonic.so ama nic.so wuxuuna heshiis kula jiraa shirkado fara badan oo bixiya siina iibiya domainka qaranka Soomaaliya ee .SO oo ay hoos yimaadaan domain-ada soo socda:
- so
- com.so
- edu.so
- gov.so
- me.so
- net.so
- org.so
The .SO ccTLD Registry is administered by SONIC.Domain names may be registered under one of the following name spaces:
Shirkada adeegga .SO ka bixiya Gudaha Soomaaliya:
Domestic (Somali) Registrars
- Somali Optical Networks (Shirkad bixisa adeeg internet oo xarunteedu tahay Muqdisho, waxaa madax ka ah wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaliya xiligii KMG ( Cabdulqaadir Jaahweyn)
- somweb (Waxaa maamulka shaqsi uu abti u yahay Wasiirkii Hore Maxamed Aaden Ibraahim oo u qaabilsan inuu iibiyo domain-ada Waxbarashada siiba Jaamcadaha ee .edu.so, wuxuuna halkii domain jaamacadaha dalka uga iibiyaa $50 domain kasta), lacagtaas oo si toos ah u aada wasiirka hore. Waxaa kaloo lagu qasbaa inay hosting-ka ka qaataan shirkadda Wasiirka hore.
- SOSTEC (Mid kamida Shirkadaha adeegga web hosting bixiya oo fadhigeedu yahay Muqdisho oo xiriir gaara uu kala dhaxeeyo Wasiirka hore ee Maxamed Aaden)
Shirkadahan bixiya Domain-ka .SO oo wasiirka xiriirka la leh wuxuu bogga rasmiga ah ee .SO ku sheegay in qiime hoose lagu siinayo dadka Soomaalida ah, laakiin shirkadahan waxay dadka doonaya domainka ku qasbaan inay hosting ka iibsadaan, qaarkood waxay dadka ka qaadaan halkii domain 90$, waxayna arirntan isugu bedeshay dhiig dhac lagu daray dhiig miirasho.
Shirkada caalamiga ah ee adeegga .SO bixiya oo wasiirka hore heshiiska kula jiro waxay kala yihin:
International Registrars
- 101Domain
- 11th.COM
- 1API
- Alibaba Cloud Computing
- Ascio Technologies
- BDL Systemes
- Blueshield Technologies
- CSC Corporate Domains
- Crazy Domains
- Datafield
- Domainbox
- Domaininfo AB
- Dominiando.it
- Dotname Korea
- Dynadot
- EPAG Domainservices
- EuroDNS
- GMO Internet
- Gabia
- Gandi
- Gransy s.r.o. d/b/a subreg.cz
- HiChina Zhicheng Technology
- IP Mirror
- Instra
- InterNetworX
- InternetX
- Key-Systems
- Lexsynergy
- Marcaria.com
- MarkMonitor
- Megazone
- NAMESHIELD
- NameWeb
- Net-Chinese
- Networking4all
- Nom-IQ
- OVH.com
- Register.it
- Register NV
- SafeBrands
- Safenames
- Soluciones Corporativas IP
- Synergy Wholesale
- WebNIC
- Whois Corp.
- Xin Net Technology
- united-domains AG
Shirkadahan caalamiga ah waxay domainka Soomaaliya ku iibiyaan 69.99 oo ah 70$ iyo ka badan, waana sida wasiirka Maxamed Aadan Ibaahim kula heshiiyay.
DOWLADDA FEDERAALKA IYO DOMAINS-KEEDA
Akhristow waxaa wax lala yaabo ah in dowladda Federaalka iyo wasaaradaheeda uu wasiirkani ka xayiray website-yadii ay lahaayeen ee .SO, isagoo ku dalaca inay iska dhiibaan lacag kadibna ka xira website-yada, wasaarado, hay’ado iyo dhammaan madaxda qaranka ayuu ka xirtay domain-adii, waxaana ugu danbeeyay Baarlamaanka Soomaaliya oo ku qasbanaaday inuu iibsado hosting iyo domain cusub, Raadiyo Muqdsho iyo Telefishanka qaranka haka reebin.
Wasaaradaha uu lacagta uga xiray wasiirka lama soo koobi karo, waana dhammaan wasaaradaha dalka, isagoo marmarsiiyo ka dhiganaya inay lacagtii hosting-ka oo isagu sameystay kuna xirtay domainkii .SO ee qaranku lahaa. Webka ilaa hadda shaqeeya ee domainka .SO xambaarsan wuxuu noqday kan madaxtooyada leedahay oo qura.
Waxaa kaloo xusid mudan Wasiirka hore ee la baxsaday hantida Qaran ay Muqdisho iyo isla Wasaaradda Boostadda iyo Isgaarsiinta Soomaaliyau joogaan dad ku xiran oo u shaqeeya, kuwaasoo uu ka mid yahay agaasime sare oo aan dib ka soo sheegi doono magaciisa.
Sanadki hore wuxuu si xad dhaafa ah loo kordhiyay qiimaha Domainka Soomaaliya ee .SO oo markii hore lagu heli jiray halkii domain ugu badnaan 15 Doolar kuwa sii iibiya, wuxuuna qiimahii ka dhigay lacag dhan 69 Doolar oo ah afar laab qiimihii hore. waxaase jirta shirkadaha yar ee gudaha Soomaliya ay isla qiimihii hore ku bixiyaan domain-ka .SO.
La soco qeybta4-aad…
Akhri Qeybtii Koowaad
-
KHASHIFAAD: Dowladda Somaliya oo dacwad ku soo oogtay Wasiir hore oo la baxsaday Hanti Qaran kuna shaqeysta (Qormada 1-aad)
Akhri Qeybtii labaad
-
KASHIFAAD: Dowladda Somaliya oo dacwad ku soo oogtay Wasiir la baxsaday Hanti Qaran (Qormada 2-aad & Heshiiska .SO)
Wadani.com