Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»C/weli Gaas oo si kulul u beeniyay heshiis kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh (Akhri War-saxaafadeed)

    C/weli Gaas oo si kulul u beeniyay heshiis kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh (Akhri War-saxaafadeed)

    January 26, 20162 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa si kulul u beeniyay isla markaana shirkii hordhaca ee Madasha Qaran iyo wakiilada Beesha caalamka ku yeesheen Madaxtooyada Soomaaliya ka beeniyay hadal ku dhex khudbadii Madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa in heshiis lagu gaaray shirkii Kismaayo, kaasoo ah in aqalka hoose ee Baarlamaanka lagu soo xulo 4.5.

    WAR-SAXAAFADEED XALAY SAQDII DHEXE KASOO BAXAY AFHAYEENKA PUNTLAND OO MUQDISHO KU SUGAN AYAA LAGU BEENIYAY ARRINTAN.


     

    HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA PUNTLAND

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25-Jan-2016 xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kaga qayb galay shir hordhac u ah shirweynaha madasha wadatashiga qaran ee hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka.

    Shirka ayaa waxaa iyana goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Federaalka, Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka, Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka, guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha Baarlamaanka dawladda federaalka, madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka kajira iyo Wakiillada Beesha Caalamka.

    Shirkaan oo gogol xaar u ahaa shirweynaha madasha wadatashiga qaran ayaa waxaa ugu horraynba khudbad kajeediyey Madaxweynaha Dawladda Federaalka oo khudbadiisa ku sheegay in ay jiraan heshiisyo lagu soo gaarey shirkii Kismaayo.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo intaasi kadib khudbad xasaasi  ah kajeediyey shirka  ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalkii Madaxweynaha Dalwadda Federaala, isla markaasna sheegay in uu ka xunyahay in madaxda sare ee dalku ay shirka ka sheegaan warar aan sal iyo raad lahayn.

    “waxaan aad uga xumahay beesha caalamka iyo madaxda soomaaliyeed hortooda  inaan ka caddeeyo warka ka soo yeeray Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha ee sheegay in Kismaayo heshiis lagu gaadhey, waxaanse halkan kaxaqiijinayaa in aanay jirin wax heshiis ah oo lagu soo  gaarey magaalada Kismaayo oo la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka” ayuu yiri Madaxweyne Dr.Gaas.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo waftigiisu ay halkaan u yimaadeen wadatashi balse aanay u socon in ay qayb ka ahaadaan go’aano hore loo gaadhey, isagoona ku celiyey mawqifkii Puntland ee ahaa in Deegaan wax lagu soo doorto si loo helo metelaad shacbi oo dhab ah.

    “Puntland waxay halkaan u timi wada tashi, si loo helo dawladnimo soomaaliyeed oo sax ah oo ku dhisan caddaalad, balse uma iman in aanu ka-qayb qaadano go’aano hore loo gaarey,sidoo kalena  Puntland kama shaqaynayo go’aano ay cid keliya halkaan ku gaartey, mawqika Puntland waa In Deegaan wax lagu soo doorto” ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli. 

    —DHAMMAAD—

     XAFIISKA WARFAAINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

    IMG_0591IMG_0593IMG_0604IMG_0610IMG_0612

    C/weli Gaas Shirka Madasha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAlshabaab oo ku hanjabtay inay weeraro hor leh ku qaadeyso Hoteelada Xeebta Liido
    Next Article Saxafigii weynee ee Cabdi Xaaji Goobdoon oo Muqdisho ku geeriyooday

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo