Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in 7 ka mida ciidamada Booliska Kenya ayaa lagu dilay degaanka Lamu ee gobolka xeebta halka 8 askari oo kale la waayay markii Gaarigii ay la socdeen Miino ku qaraxday kadibna dagaal xoog leh ay ku qaadeen maleeshiyo la sheegay inay ka tirsan tahay Alshabaab.
Dadka degaanka ayaa Wargeyska The Star ee ka so baxa Kenya u sheegay in uu marka hore maqlay qaraxyo xoog leh kadibna ay ku xigtay rasaas la is weydaarsaday xaafadda Hindi ee Xeebta u dhow ee hoostagta Lamu.
Sarkaal kale oo ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in ciidamada la la’yahay ay tuhunsan yihiin inay horay u qafaasheen xarakada Al-shabaab ee degaankaas ka dagaallanta,waxaana uu intaa ku daray inuu socdo howlgal lagu so furanayo. Ciidamada weerarku qabsaday ayaa la sheegay inay ka soo laabteenan degaanka Kiunga, iyagoo ku soo jeeday Hindi,.
Alshabaab ayaa shalay soo oo saartay filim ka hadlaya dagaalo ay gudaha Kenya ku qaaday oo wata fariimo dadk Kenya lagula hadlayo.
Wadani.com