Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta uu halkaasi beesha Xawaadle uga furmi doono shirweyne uu isugu yeeray Ugaaska cusub ee beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Shirkan oo xasaasi ah kuna soo beegmay xilli maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu dhaqaaqi la’ yahay magaalada Jowhar, waxaaana beesha Xawaadle oo gadood siyaasadeed uga baxday shirka Jowhar ay dooneysaa inay go’aan mideysan qaadato.
Shirka oo ay ka qeyb galayaan qurbe joog, xildhibaano, wasiiro, odayaal iyo waxgaradka beesha ayaa ah kii ugu muhiimsanaa ee Beesha isugu timaado, waxaana laga cabsi qabaa in dowladda federaalka xaalada ku ciriiriyaan.
Wadani.com