Maamulka Puntland ayaa shaacisay inay diideen go’aanka kasoo baxay Madasha Qaran ee ku saabsan qaabka doorashada ee ah in aqalka hoose lagu saleeyo 4.5, aqalka sarena lagu saleeyo maamul goboleed ay Puntland iyo Somaliland tiro dheeraad ah oo 3 xubnood ah ka helayaan.
Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay meel marinayso go’aankan oo laga saxiixay madaxda Soomaalida, waxaana fulinta heshiiska damaanad qaadeysa beesha caalamka.
Wasiirka Deegaanka Puntland Cali Cabdulaahi warsame ayaa laga soo xigtay in heshiiskaasi aanay ka mid ahayn Puntland oo ay diidan tahay, isla markaana bannaanka ka taagan tahay. Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaan ka hadlin heshiiskan, waxaana laga war sugayaa go’aanka ugu danbeeya ee Punland waxa uu noqon doono, iyadoo keli ku noqotay heshiiska.
Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland ogolaaday heshiiska, laakiin diidmadu ay tahay mid lagu qancinayo dadka Puntland iyo mucaaradka C/weli Gaas oo dib ay ka ogolaan doonto.
Lama oga sida Puntland ay uga hor imaan karto go’aanadan oo beesha caalamka wadato, waxaase weli socda kulamo lagu doonayo in Puntland looga saxiixo. Arrintan ayaa muujineysa in dood dheer iyo kulamo adag kadib ay Puntland madi ku noqotay kana hor timid rabitaanka dhammaan maamulada kale, iyadoo tani ay noqon karto fashil siyaasadeed ku yimid C/weli Gaas.
Wadani.com