Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Xog iyo Gorfeyn: Ma KARZAI- gii Kenya (Axmed MADOOBE ayay waddani inooga dhigayaan?).!!

    Xog iyo Gorfeyn: Ma KARZAI- gii Kenya (Axmed MADOOBE ayay waddani inooga dhigayaan?).!!

    January 29, 20169 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    HORDHAC / GOGOL-DHIG

    Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

    Fadlan lasoco meelaha ka midabka duwan qoraalka waa Link-yo (Hyperlinks) qoraalka ku lifaaqan, kuwaasoo lagusoo ururiyey baaritaanka (Research-ka) qoraalka lagu sameeyey, macluumaad dheeri ahna kusii siinaya, hadii ay ahaan lahaayeen qoraallo, ama video-yo intaba muhiim u ah qormadan.

    Aqritoow, Axmed Madoobe calan Soomaaliyeed buu madashii Kismaayo kataagay, calamada maamul-beeleedyada ayuu goobta halaga saaro yiri, waa wadani iyo geesi soobaxay, iyo hadalo la mid ahoo rakhiis ah baa website-yada lagu qoray. Waa iga su’aale ninkan la inoo amaanayo, ee waa geesi iyo wadani sanka propagandada la inooga galinayo soow Karzai-gii Kenya ma aha? Mise waa shaqsi kaloo cusuboo hadda iyo koow la inabarayo?

    Karzai-ga Kenya (A.Madoobe) soow ma ah ninka eey Kenya kubadalatey kabo-qaadkeedii isaga kahoreeyey [Prof.Gaandi], iyo mashruuceedii Azania, iyadoo garwaaqsatey in Prof.Gaandi yahay Academic ku fiican dhanka waxkadhigista jaamacadaha, meeshana looga baahan yahay hogaamiye-kooxeed dhiiga caba, dirir iyo dagaalna kusoo dhex gaamuray, sida: Axmed Madoobe oo kale, sidaana ku dhaqan galisay Karzai-geedan iyo mashruuceedan lamagac baxay: “Jubbaland”, balse caalamka looga yaqaan qorshihii Kenya, ama afka qalaad lagu dhoho: “The Kenyan Plan”, kaasoo warbaahinta sirarka faafisa ee Wikileaks-ba sifiican udaabacday.?

    Maalmo kahor soow ma aheyn kuwii lahaa saraakiisha Itoobiyaanka ah ee garoonka Kismaayo kasoo dagayey, “Aad baan idiin sugeeynee, kusoo dhawaada qeyb ka mid ah dhulkiina hooyo!”. Waa su’aal da’weynoo madaxa daalineeysee, magaalada Kismaayo oo ah caasimadii 3-aad ee qaranka, bal goormeey noqotey qeyb Itoobiya ka mid ah?

    Si uu awood ugu wada maquuniyo beelaha wadadaga Kismaayo, soow maaha ninka ku caanbaxay qofkastoo hadal kusoocelisa in habeenkii gurigiisa uu kalabaxo, jirdilo, ugu dambeyna khaarajiyo kadibna xeebta Kismaayo meydkiisa kusoo tuuro. Halka maleeshiyo-beeleedkiisana gabadhii eey kufsadaanba inta dilaan xeebta meydkeeda sidaa si la mid ah usoo dhiga?

    Dadku ma oga mana xasuustaan miyaa in Karzai-ga Kenya (A.Madoobe) uu yahay qabqablaha-dagaal ee kugarab istaagay in qorshaha Kenya ee ahaa in dekedda weyn ee Kismaayo, iyo garoonkaba eey lawada wareegto, oo iska dhuuqdo, sameeysatana maamul-beeleed gacan-kurimis ah oo eey iyada si dadban umaamusho, danaheeda Soomaaliyana uhadla, iyadoo taageero qabyaaladeedna ugaheleeysa siyaasiyiinta Soomaali-Sujuuga ah ee Karzai-ga Kenya ku beesha ah, uguna caansan dalkeeda sida: Aadan Barre, Faarax Macallin, Maxamed Cabdi Afeey, Yuusuf Xaaji…IWM.

    Inta aqrisatey warbixintii eey qortey warbaahinta sirarka caalamka baarta, dibadeedna faafisa ee Wikileaks.org, waxeey qortey in qorshaha Kenya “The Kenyan Plan” hadase loogu magacdaray maamul-beeleedka “Jubbaland” eey markiisii hore ulatagtey dowlada Mareeykanka, iyadoo eey Kenya matalayeen wasiirkoodii horee Arimaha dibada iyo xubno kaloo wasiiro Kenyaan ah (Hoos ka aqriso). Waxeey usharaxeen qorshahooda, balse Mareeykanka xilligaa wuu ka madax-adeeygay, isagoo ku cilladeeyey in maamulkaa beri uu dowlada Soomaaliyeed caqabad hor leh ku noqondoono, dowladana isku taagidoono.Waana sida dhacday oo waatii wasiiradii dowlada loowada dhan yahay ee Soomaaliueed garoonka Kismaayo lagu wada xannibay, ee lagu amray in aaneey soodhaafiba karin, waatii xiriirka baan dowlada Soomaaliyeed ujarnay eey kasoo yeertey, waa habdhaqanka foolxumada badan ee Puntland eey kaga dayanayeene, waa kuwa…waa kuwa….

    Ugu dambeyn Kenya waxeey soo tababartey Ilaa 2000 oo maleeshiyo-beeleed ah, beel qurana kasoo wadajeeda, iyo hogaamiye-kooxeedkooda: Axmed Madoobe, iyadoo qorshahaas kasoo minguurineeysa Itoobiya, qorshahaasoo ah si aad Soomaali ujabiso, Soomaali kale iska hormari, oo isku laay, xoogga dhimashada iyo dhaawaca iyaga hagaaro, adiga dabasoco uun oo taageere iyo amre unoqo, hadhoowna guusha wada sheego, waana sida Kenya ay Kismaayo kuqabsatay. Maantana udulfadhiso ilaheeda dhaqaale, oo eey isaga dhuuqeeyso, dhirtii iyo keeymihii Jubbooyinkana uxaalufineeyso, oo dhuxusha uga dhoofsaneeyso her iyo habeen, iyadoo Karzai-geedana waxyaroo biririf ah, balse isaga wax weyn la ah afka ugu tireeysa.Wuuna ka dharagsanyahay in uu yahay madiidan meesha eey keensatay, joogitaankeedana meesha kusiijoogi kara ookaliya, hadii eey baxdana aanu kaharikareeyne uu kuqasbanaanayo in uu kadaba huleelo.

    Bal dib uxasuuso bilo yar kahor markii Baarlamaanka Soomaaliya uu qeeylodhaan ka keenay sida Kenya ugusoo xadgudubtey xuduuda dalkeena hooyo, inta aaneeyba Kenya hadlin Karzai-geeda ayaa sida awalba qorshuhu ahaa uhadlay, isagoo difaacaya qorshaha iyo danaha Kenya, bal isweeydii cidda iyo dalka uu kadiyaacayo intaba! Fadlan aqriso sirtan aadka uculus ee hoose.

    SIRTII CUSLEYD EE DHISMAHA MAAMUL-BEELEEDKA JUBBALAND!!!

    Horaa loo yiri: “Hal xaaraan ah, Nirig xalaal ah madhasho!” Aqristoow; Maareega faafiya sirarka waaweyn ee caalamka, kaasoo lagu magacaabo wikileaks.org, ayaa wuxuu daabacay 2-dii February 2010-ka warbixin ah sir aad uculus, oo ummadeena Soomaaliyeed inteeda ugu badan aaneey illaa iyo maanta kawarqabin, ama kadhago xiranyihiin. Warbixintan waxeey ku saabsaneyd qorshaha Kenya eey kusameeysaneeysey Maamul-Beeleedka Jubbaland, kaasoo maqaarsaar iyada danaheeda uga ahaandoona gudaha dalka Soomaaliya. Warbixinta wuxuu ciwaankeedu ahaa: “ASSISTANT SECRETARY CARSON’S JANUARY 30, 2010, MEETING WITH KENYAN FOREIGN MINISTER WETANGULA”. Taasoo micnaheedu yahay: Kulankii eey wada qaateen kaaliyaha wasaarada arimaha dibada ee Mareeykanka qeybta arimaha Africa ee xilligaa: Johnnie Carson iyo wasiirkii arimha dibada ee Kenya ee xilligaa: Mr.Moses Wetangula, taariikhdu markii eey aheyd 30-kii Janaayo, 2010-kii.

    Wafdiga dowlada Mareeykanka kasocdey waxeey kala ahaaayeen: Kaaliyaha wasaarada arimaha dibada ee arimaha Africa: Mr. Johnnie Carson. Maamulaha sare ee golaha amniga qaranka Mareeykanka (NSC) ee dhanka arimaha Africa: Michelle Gavin. Safiirka Mareeykanka ufadhiya Midowga Africa: Michael Battle. Safiirka Mareeykanka ufadhiya Adisababa: John Yates. Qunsulka safaarada Mareeykanka ee Nairobi: Bob Patterson, iyo kuxigeenka madaxa qorshaha Midowga Africa: Joel Maybury. Dhanka dowlada Kenya waxaa kasocday: wasiirka arimaha dibada: Moses Wetangula.Wasiirka difaaca: Maxamed Yuusuf Xaaji. Taliyaha nabad-sugidda: Major-General Michael Gichangi, iyo hogaamiyaha ciidamada qalabka sida: General Jeremiah Kianga.

    Warbixintan sirta fakatey ah waxaa lagu sheegay in wafdigan Kenyaanka ah ee aadka usareeya ee uu hogaaminayey wasiirkii horee arimaha dibada Kenya ee xilligaa: Mr. Moses Wetangula uu kulamo barbar socda kulankii Midowga Africa 30-kii January 2010-kii layeeshay kaaliyaha wasaarada arimaha dibada Mareeykanka ee arimaha Africa: Johnnie Carson, si uu ugu ololeeyo sidii taageero buuxda uu uga helilahaa Mareeyka qorshaha kenya ee Jubbooyinka. Dhamaan wafdiga Kenya waxeey kudadaaleen in eey Mr.Carson kadhaadhiciyaan halista Kenya ugasoo fool leh dhanka Soomaaliya, eeyna tahay in eey kuduulaan Soomaaliya, iyagoo isticmaalaya maleeshiyo-beeleed gaaraya 2000 [Waa maleeshiyo-beeleedka jabhada Raaskambooni oo hogaamiye eey uga dhigeen Karzai-gooda: Axmed Madoobe].Waxeey wafdiga Kenya usheegeen Mr. Carson in TFG-da Soomaaliya iyo dowlada Itoobiyaba eey wada ogolaadeen qorshaha Kenya, waxkastoo Melez uu kawalwali lahaana laga wada hadlay, oo lagana qanciyey.

    Maadaama labo kulanoo hore eey ku guuldareeysteen, ayaa wafdiga Kenya wuxuu kulan sadexaad oo ay Mr. Carson laqaateen kutartarsiiyeen in dowlada Mareeykanka taageerto qorshaha Kenya, balse xilligaa Mr.Carson si farsameeysan ayuu uga horyimid, ugana gows-adeeygey qorshahaa Kenya. Mr.Carson wuxuu wafdigaa saree ee Kenya usheegay in aanu dooneyn in eey abuuraan xaalad aaneey hadhoow xakameyn karin. Wuxuuna kusababeeyey dhowrkan arin: 1-In uu kawalwalayo in qorshaha Kenya ee Jubbooyinka uu noqondoono mid qarash farabadan uu kuboxo. 2-In arintan eey abuuri karto dagaallo qabaa’ilka iyo jufooyinka ka dhex qarxa [Waatii eey dhaceen dagaallo udhexeeya Kooxda A.Madoobe iyo Kooxda Barre Hiiraale ee laga awood roonaaday]. 3-Hadii qorshaha Kenya guuleysto, in uu dowada dhexe ku noqondoono caqabad iyo mid isku taaga [Heer garoonka Kismaayo eey ku xannibaan wasiiradii dowlada dhexe ayey gaareen, xiriirkaan dowlada dhexe ujarneyna dhahaan!]. D-In lagayaabe si aan kawarqab aheyn tababar loosiiyo dagaalyahannada xaadirka iyo kuwa mustaqbalka ee jabhada ONLF. E-Ugu dambeyna wuxuu yiri Kenya diyaar uma aha mushkiladaha gudaha dalkeeda ku imaankarta, mar hadii qorshaheedan Jubbooyinka uu guuldareeysto (Westgate Mall, Garrisa University……IWM ayaa wada dhacay).

    Wasiir Moses Wetangulu wuxuu ku nuuxnuuxsaay in qorshahan uuyahay mid eey uwada dhanyihiin madaxda Kenya. Wuxuu yiri waa qorshe xaruntiisu tahay xafiiska Ra’isulwasaaraha Kenya. Waxaana wada gudoominaya Madaxweynaha [Kibaki] iyo Ra’isulwasaaraha [Raila Odinga]. Wuxuu ku daray in gudigan eey la kulmeen Ra’isulwasaaraha Itoobiya (Melez Zenawi), mudo laba saacadoodna eey uga jawaabayeen waxkastoo uu ka walwalsanaan karo [Sida tageerida beesha Ogaadeen iyo ONLF], ugu dambeeynna wuu taageerey sida TFG-daba utaageersan tahay [Waxeey jeebka kuwateen Ra’isulwasaarihii xiligaa: Caliweli Maxamed Cali Gaas. Madaxweyne Sh. Shariifse ma ogoleyn. Waakii afka furtey ee kadhiidhiyey, balse gadaal ka aqbalay xaqiiqda].

    Wasiirka Difaaca ee Kenya: Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa kucelceliyey sida eey dakadda Kismaayo ugu tahay Al-Shabaab xarun dhaqaale, iyo sida heysashada Al-Shabaab ee dakadaasi eey halisweyn ugutahay dalka Kenya. Hogaamiyaha ciidamada qalabka sida ee Kenya: Gen Jeremiah M. Kianga ayaa isna dhankiisa wuxuu kudooday isagoo dhahaya: Weerar aan ku qaadno Kismaayo waxeey culeyska kaqaadeeysaa dowlada Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho. Dhanka kalana shacabka Kenya wuxuu inagu eedeyn doona mas’uuliyad xumo, hadii aanan Al-shabaa ka qabsan Jubbooyinka.

    Hogaamiyaha sirdoonka iyo nabad-sugidda Kenya: Major general Michael Gichangi ayaa isna kudooday in eey waqti dheer qaadan doono in beesha caalamka iyo Amison eey dhisaan dowlad Soomaaliyeed oo awood leh, balse xiriirka dhow ee Al-Shabaab iyo Al-Qa’ida ka dhexeeya uu ubaahan yahay waxkaqabasho degdeg ah. Wuxuu intaa ku daray xiriirka ka dhexeeya Al-Shabaab iyo Al-Qaa’idada Yemen iyo Pakistan hadaan degdeg wax looga qaban, wuxuu dowlada Mareeykanka kunoqon doonaa mid dhibweyn ukeena, gaar ahaan hadii Soomaaliya eey noqota golaha argagixisada. General Michael Gichangi wuxuu ku celceliyey in howsha dhinaca qabaa’illada iyo qabyaaladana eey sidoo kale aad wax uga sooqabteen, oo eey qabanqaabiyeen kulamo beesha Ogaadeen lagula shiray, beesha kalee Mareexaana lakulmidoonaan isbuucyada soosocda. Xaalkuba soow maha marka: “Jubbalaaneey hal xaaraan ah nirig xalaal ah ma dhasho!

    GABAGABO IYO GUNAANAD

    Waa su’aale, goormeey isaga keen darsoomeen marka wadani dadkiisa iyo dalkiisa jecel ahna geesi Soomaaliyeed, iyo Kaba-qaad tabcane-shisheeye ah sida Axmed Madoobe, ee sidii Karzai-gii Mareeykanka uu reer Afghanistaan dusha kasaaray markuu qabsaday, reer Jubbooyinkana sidaa si lamid ah dusha looga saaray?

    Waxaan maqli jirey “Illoowsho dhawaa ma Umulbaa”, Ummadeena Soomaaliyeed ma sidaa ayey u illoowsho dhowdahay, oo maalintaa lajoogo uun ayey kuxasuus yihiin waxkastana ku qiimeeyaan, oo taariikhdu micnaba uma sameeyso, malaha maado dhanoo la barto in Taariikhu tahay ayaanba iloowsannahay? Ma qabyaalada ayaa waxkasta kala muhiimsan, oo sidaaa beey wadani iyo geesi soobaxay A.Madoobe ugu sheegeen? Alloow sahal amuuraha. Wabillaahi Towfiiq.

    “Run sheeg, waa ceeb sheeg”

    Qoraa : C / Qaadir Maxamed Cismaan”Cabdiboqor ”

    Maamule-kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin ka ahaa.

    Al-Madinah International University [email protected]

    Minnesota, USA.

    Afeef: Aragtida qoraalkan wuxuu gaar u yahay qofka ku saxiixan

    Axmed Madoobe Jubba
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG CULUS: Khilaaf ka dhex taagan Guddoonka Baarlamanka & Madaxweyne Xasan Sheekh
    Next Article NISA oo shaaciyay howlgal sirdoon lagu soo qabtay 5 ka tirsan Alshabaab & qasaaraha ka dhashay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo