Taliyaha ciidamada Midowga Africa ee AMISOM Gen. Nakibus Lakara ayaa sheegay in ciidamadooda ay dib u eegis ku sameyn doonan habka ay u howlgalaan wixii ka dambeeyay werarkii Ceelcadde ee lagu qaaday ciidamada Kenya ee AMISOM oo lagu laayay in ka badan 100 askari.
Gen. Nakibus Lakara ayaa shaaca ka qaaday in la gaaray waqtigii horey loo socon lahaa si jawaab culus looga bixiyo weerarkii lagu qaaday Ciidamada Kenya, oo uu sheegay inaysan dhici doonin in ciidamada AMISOM is dhigtaan.
Warkaan ayaa soo baxay kadib markii uu booqday saldhigii Ceel Cadde ee lagu weeraray ciidamada AMISOM intii aanay ciidamada Kenya isaga bixin maalmo kooban oo ay dib ugu laabteen si ay meydadkii ciidamadooda uga qaataan.
Kenya ayaa ku eedeysay hogaanka AMISOM in aysan ka helin wax jawaab celin ah oo ku aadan gurmadka weerarkii askartoodi loogu geestay degaanka Ceel Cadde 15-kii bishan, siiba ciidamada Itoobiya oo u dhowaa.
Wadani.com