Guddoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Wacays ayaa sheegey in weerarkii lagu qaaday guriga guddoomiyihii hor ee Gobolka Bari C/samad Gallan ay ku soo qabteen lix maleeshiyo oo midkood dhaawac yahay, baabuurta dagaalka, rasaas iyo qoryo, balse wuxuu caddeeyay inuu baxsaday Cabdisamad Gallan oo ay ku daba jiraan.
Cabdisamad Gallan ayaa maamulka Puntland ku eedeyay ,mudaaharaadkii rabshadaha watay ee maanta ka dhacay magaalada Boosaaso.
Ninkan mas’uulka hore ee Gobolka ah Cabdisamad Gallan ayaa Madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Faroole u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari loo muddo 4 sanadood ah uu hayay. Bishii May 2015 ayuu xilka iska wareejiyey markii xil ka qaadis ku sameeyay C/weli Gaas.
Arrinta lagu heyso mas’uulkan ayaa ah feker uu ka qabo hab maamulka Gobolka Bari iyo magaalada Boosaaso isagoo ku doodaya in dad aan gobolka u dhalan xilal loo dhiibay, taasina ay sharci darro tahay, wuxuuna baraha bulshada dhowaan ku faafiyay dood arrintaasi ku saabsan.
Wadani.com