Waxaa weli socda baaritaan lagu wado diyaaradii Daallo Airlines ee shalay dib ugu soo laabtay garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kadib markii qarax ka dhacay diyaaradda uu keenay inuu dan ka kaco qof rakaabka ka mid ahaana uu ka dhacay diyaaradda.
Wararka laga helayo saraakiisha waaxda socdaalka ayaa sheegaya in ninka odayga ah ee meydkiisa laga helay degaan ka tirsan degmada Balcad uu ka mid ahaa rakaabka diyaaradda, iyadoo uu weli socdo baaritaanka oo lala kaashanayo shirkadda diyaaradda soo saartay ee Air bus.
Khubaro reer Galbeed ah oo daawaday dhaawaca diyaaradda gaaray ayaa sheegay inay hubaan shilka diyaaradda dhexdeeda ku dhacay inuu yahay qarax gudaha diyaaradda la dhigay, waxayna qiimeyntooda hordhaca ah taageerada dadki ka mid ahaa rakaabka diyaaradda oo sheegay inay jug xoog leh maqleen intii aanay diyaaradu dib u soo laaban.
Wadani.com