Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac (Jangeli) ayaa beeniyay in la hakinayo duulimaadyada Muqdisho iyo Hargeysa isagoo sheegay inuusan jirin go’aan dowladda Soomaaliya ka soo baxay oo arrintan ku saabsan.
Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda Soomaaliya Jen, Gaafow ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa maalin ka hor ayaa lagu sheegay in wixii ka dambeeya 22-ka bishan la joojinayo duulimaadyada Muqdisho iyo Hargeysa.
Wasiir Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa sheegay in arrintaas aanay waxba ka jirin, isagoo xusay in go’aankaas uu yahay mid u gaar ah Taliyaha Laanta Socdaalka. “Ma Jiraan duulimaad la joojiyay, wuxuu yiri bisha 22-ka howlo noo socda, waxaa dhici karta in la joojiyo, howshaas waa mid isaga u gaar ah, diyaarado la joojiyay ma jiraan”ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada.
Dowladda Federaalka ayaa looga bartay iska warqab la’aan iyo inay saxaafadda iskula hadlaan, waxaana arrintan muujineysaa heerka ay gaartay is barbaryaaca ka dhex jira hay’adaha dowladda Federaalka, waxayna fadeexad ku noqoneysaa dowlada Federaalka.
Wadani.com