Wafdi uu hogaaminayo ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay J. Fletman iyo saraakiil kale oo uu ka mida yahay madaxda UNDP ayaa maanta yimid magaalada Muqdisho, waxayna kulamo kala duwan la yeesheen madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.
Wafdiga heerka sare ee ka socda Qaramada Midoobay waxay la kulmeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo Ra’iisal wasaaraha.
Arrimaha looga wadahadlay arrimaha kala guurka iyo qaabka doorashada dalka, waxayna saraakiisha Qaramada Midoobay soo gaarsiiyeen fariin ay ka sideen Golaha Ammaanka oo ahayd in dowladda Federaalka aysan ka dib dhicin waqtiga doorashada oo waqtiga kala guurka ah si aan dib udhac lahayn loo guda galo.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com