Wafti uu hogaaminayo ergeyga gaar ka ah ee Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa maanta tega magaalada Kismaayo, waxaana garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhoweeyey madaxweyne ku xigeenka kowaad ee Jubba Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), wasiiro iyo xildhibaano.
Shir gaar ah oo ka dhaxeeya wafdiga Mr. Keating iyo Madaxweynaha Jubba ayaa ka dahcay xarunta guriga martida ee loo yaqaab Daawad, magaalada Kismaayo waxaana labada masuul ay kawada hadleen go’aankii dhowaan laga soo saaray Shirkii Muqdisho ee qaabka doorashada sanadkan 2016.
Beesha caalamka ayaa dhabarka u ridatay dhaqan gelinta iyo ka dhaadhicinta maamulada dalka ka jira qorshaha doorashada dowladda fedeaalka gaaray ayna la qaadatay beesha caalamka. Odayaaha Kismaayo ku sugan ayaa horeba ula kulmay safiir ku xigeenka Ingiriiska ee Soomaaliya oo ay ka aqbaleen go’aanka qaabka doorashada.
Wadani.com