Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta ku soo laabtay xarunta maamulkiisa ee magaalada Garowe ayaa sheegay inay ka biyo diideen go’aankii qaabka doorasahda ee Shirka Madasha Wadatashiga Muqdisho, isla markaana go’aansadeen inay talada ku celiyaan dadka Puntland.
Mudane Gaas wuxuu sheegay inay bilaaban doonaan wadatashi ay ka yeelanayaan arrinta doorashada Golayaasha Puntland oo ay ka mid yihiin: shacbiga, ururada bulshada iyo siyaasiyiintu. Wuxuuna intaas ku daray inay Puntland ku wajahan yihiin wufuud caalami ah oo doonaysa in ay si dhab ah u ogaadaan dareenka shacabka Puntland iyo ku saabsan doorasho ee la filayo in ay dalka ka qabsoonto sanadkan.
Dhinaca kale wuxuu Madxweyne Gaas sheegay inay jiraan shaqsiyaad uu sheegay in meelo kale laga soo kireystay oo doonaya inay khalkhal ka abuuraan Puntland, sida uu yiri si ay u kala dhantaalaan mashaariicda horumarineed ee ka socda magaalooyinka waaweyn ee Puntland, taasoo uu sheegay inay gacan bir ah ku qaban doonaan.
DHAGEYSO C/WELI GAAS
Wadani.com