Kooxda Manchester United ayaa la sheegay inay lacag khiyaali ah u gaartay laacibka reer Brazil iyo kooxda Barcelona ee Neymar kadib markii ay u gaartay lacag dhan 190 milyan oo Euro ama 144 Milyan oo Giniga Ingiriiska ah.
Sida uu sheegay aabaha dhalay laacibka Neymar, kooxda Manchester United waxay diyaar la ahayd lacagtaas faraha badan inay ka bixiso laacibkan, taasoo noqon lahayd mid taariikhda gasha iyo mushaarkii ugu badnaa abid ee uu qaato ciyaaryahan kubadda cagta.
Lacagtaasi faraha badan waxaa diiday kooxda Barcelona iyo laacibka oo doonaya inuu sii joogo kooxda uu hadda ka mid yahay oo xilliga uu sii joogayo ay uga harsan tahay muddo laba sano ah.
Kooxda Man United ayaa lacag gaareysa 108 milyan oo gini ku soo iibsatay ciyaaryahano kala duwan xilli ciyaareedkan, iyadoo si weyn u raadineysay weeraryahan weyn oo kooxda xoojiya.
Wadani.com